|
|||||
WAJAALE NEWS
Ka Hor Ciqaabista Shirkadda RED SEA, Xafiiska Laabka In la Xidhay Ahayd! Qainkii; Qorraa Cali Qoryoole.
May 10, 2018 - Written by Editor:Bismillaahi raxmaani raxiim Hashu maankayga gadaye ma masaarbay laqday?, ayuu yidhi,ninkii arrimuhu ka gadmadeen. Somalidu waxay tidhaahdaa,nin soo jeedo lama toosiyo,waxa kale oo ay ku maahmaahdaa,”Gari Allay Taqaanaaye Ina Sanweyne ma taqaano,”nimanyohow haddaad u kuur gashaan dooda sharci ee dhextaala,shirkadda REDSEA ee shidaalka keenta iyo wasaaradda ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland,cibra weyn ayaa idiin kor dhaysa,cabsi badan iyo welwelna wuu kula soo Dersayaa,maxaa yeelay Haddii Aanay Wasaaradda Ganacsiga Taladu ka Gadmanin,oo Aanay wax ismoodsiinin,in la Ganaaxo iyo in la xadhiba waxa xaq u yeelanaya,xafiiska ilalainta tayada shidaalka Somaliland, kaasoo markii uu laabka mariyay,shidaalkii Red sea,waa OK yidhi ee weliba siiyay shahaadada caddeynaysa inuu yahay shidaal saxsan, balse malaha waxbaa xukuumadeena ka gadmaday,waxaasoo inay dhakso u saxdo ay tahay. Aan ku bilaabee,waxa dareen cabsi weyni ku ladhan tahay igu abuuray, qaabkii ay xukuumadeenu u mamnuucday,badeecaddii Basasha ee dalalka jaarka inooga iman jirtay,waa go’aankii ay wasaaradda ganacsigu ku mamnuucday,Basashii dalka imanaysay,xaqiiqo ahaan,waxa uu ahaa go’aan aad loogu deg degay oo aan innaba la daraasadeyn,laga fiirsan,la ruugin,naxariis shacab loo eegin,khasaaraha ku imanayay ganacsatadii dalka ee digniin la’aantii sida deg deg ah malin keliya loogu mamnuucay basashii dhexda kusoo jirtay ee ganacsatada yaryar lacag badan kusoo iibsadeen,go’aankaasi waxa uu igu abuuray, welwel weyn oo caddaaladda iyo mustaqbalka ummada Somaliland ku saabsan. Sikastaba ha ahaatee Akhristayaal,go’aankaas xukuumada ee ciqaabta iyo ganaaxa Redsea ah, haddaad dhugatid marka hore, cibra weyn ayaa kuu kordhaysa, haddii aad il caddaaladeed,oo dareen masuuliyadeed ku ladhahan aad ku eegtid, muranka dhex yaala shirkadda Red sea iyo xukuumada Somaliland ,maxaa yeelay islamarkiiba waxa kuu muuqanaysa,
Marka labaadna muwaadinoow,waxa naftaada gilgilaya cabsi maamul xumo,cabsi si xun u isticmaal awoodeed iyo welwel mustaqbalka ummadda Somaliland ku saabsan oo calooshaada gubaya ayaa naftaada ku habsanaya marka aad arrimahan eeg eegtid Marka aad dhugaysatid hadalkii gudoomiyaha shirkadda Red sea ee ahaa,”habka ay wasaarada ganacsigu go’aanka Ganaaxa red sea usoo saartay,wax sharci ah iyo qodob xeer ah midna looma cuskanin,iyo habka xukunka naloogu qaaday ayaanan waafaqsanayn xeerarkii garsoorka,waxadna moodaa in shirkadda REDSEA loo qabay cadho gaamurtay “. 2) Cabsibaa ku galaysa marka aad dacwadda Noocaas ah ee uu jeediyay Sh Xasan Cabdisalaan Aad dhuuxdid, maxaa yeelay cabsi weyn ayaa ku hor imanaysa,waxayna naftaadu Isweydiinaysaa,haddii shirkadihii waa weynaa ee ilaa 90aadkii shaqaynayay,ee aan manta ka hor shidaal khaldan dalka keenin. Raggii awoodaha bulsheed iyo ixtiraamka diineed bulshada ku dshex lahaa, sidaas i loogu badheedhayo,maxaad u malaynaysaa,muwaadiniintii tabarta yaraa, dadkii masaafurka iyo martida ahaa,dadkii mucaaradka ahaa ee ololihii doorashada ka cadhaysiiyay madaxdii xisbigii kulmiye iyo dadkii daciifka ahaa ee dumar iyo ragba lahaa ee habeen iyo maalin dhawaaqayay, iyaga oo TVyada taagan kuna dhawaaqaya xukuumadayadiiyeey xaqayaga eega?. 3) Cabsida waxa kugu abuuraya,khalad ku dhiiranaanta xukuumadeenii aynu jeclayn,ee aynu rajada weyn ka qabnay ee aynu dhowaan dooranay,ee aan weli umul bixin,taasoo aad moodo ama ay dad badan aaminsan yihiin,inay lasoo baxday laba arrimood oo khatar ah, sida
Hadaba aan sida dadka caadiga ah u hadlee,waxan ku odhanayaa ,xukuumadda cusub ee Somaliland,iyo maxkamadaha dalka ee ay shirkadda Redsea u dacwootayba,walaalayaal dadka u caddaalad fala,oo ha ku dactiyina, qofwalba waxa uu xaq u leeyahay,wada garanaysaane,kas ha u garab marina, maxaayeelay haddii ay xukuumaduhu caadaystaan,inay dadka qaar ama kuwii ay necbaayeen ayku gabood falaan,oo u ciqaabaan,waxa dhaqankooda ka mid noqda, inay marka dambe ay cidkasta ku gaboodfalaan oo ay iska ciqaabaan,dad aan wax dembi ah,gelin,aniguna sidii cigaal shiidaad uunbana leeyahay,amay waddo halaq noqotaaye, talooyinka nasteexa ah, sida middan sare khalad iyo xummaan ha u arkina.
QORAA CALI DOOL AXMED (Cali Qoryoolay) COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|