Jahawareer Ku Yimid Habsami U Socodka Hawlaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jahawareer Ku Yimid Habsami U Socodka Hawlaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka,
May 8, 2018 - Written by Editor:

Tan iyo intii uu talada dalka lawareegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,  waxa bulshada galay  ididiilo iyo rajo ay ka qabeen inay wax iska badelaan halkii ay taagnayd adeegyadda caafimaadka bulshada ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadku.

CAAFIMAADKA

Madaxweynuhu isagoo taasi ka duulaya sidii uu u xaqiijin lahaa himiladdii uu ka rabay inay ka hir-gasho Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, waxa uu u soo magacaabay gadh-wadeenka wasaaraddaasi khabiir ka mid ahaa masuuliyiintii ugu qiimaha badnayd ee xilka wasiirnimo ka soo qabatay wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Xasan Ismaciil Yuusuf  iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeen iyo Agaasime Guud.

Waxa wasaaradda gudaheeda ka bilaabmay is kooxaysi, qabyaalad,  nidaam xumo iyo is dhex yaac maamul oo aad moodo inay sabab u tahay khibrad yaraanta Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye    iyo  Wasiir ku Xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka Cabdinaasir Cumar Jaamac, taasoo niyad jab weyn ku keentay dhamaan  shaqaalaha wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo hayadaha la shaqeeya wasaaradda as.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xasan Ismaciil yuusuf ayaa dhabanada baabacada ku haya oo la yaaban labadan masuul, oo aad moodo inay ka shaqeynayaan goobo-ganacsi, markaad eegto hab-dhaqanadooda qaabka ay u shaqeynayaan.

Wasiirku waa masuul waayo arag ah oo xeel-dheer, aqoon fiicana u leh nidaamka maamulka dowladnimo, caafimaadka, waana masuul qun yar socod ah oo ay garashadiisu sareyso, balse waxaa baalasha ka qooyey masuuliyiinta la shaqeeya oo ah kuwo ay liidato qaabka ay u fikirayaan, taasoo curyaamin doonta himiladdii wasaaradda horumarinta caafimaadka ee uu ka lahaa  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS