ICRC Oo Dhakhaatiir U Diraysa Magaalada Gaza | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ICRC Oo Dhakhaatiir U Diraysa Magaalada Gaza
May 31, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N)- Hay’adda Laanqayrta Cas ee caalamiga ah ayaa Arbacadi shalay ku dhawaaqday in ay magaalada Gaza ee dhulka Falastiin u direyso koox dhakhaatiir dhinaca qalliinka ah, si ay uga jawaabto baahi dhinaca caafimaadka ah oo aad u daran oo ka jirta halkaasi.

Hay’adda ICRC waxay sheegtay in khubarradan caafimaad ee ay u direyso Gaza ay xooga saari doonaan, sidii ay u daweyn lahaayeen dadka qaba dhaawacyada rasaasta ah, ee dhawaan ku dhaawacmay isku-dhacyadii ka dhacay xadka Gaza iyo Israel.

Dhakhaatiirtan ayaa ka shaqeyn doona Gaza muddo lix bilood ah, sida lagu yidhi bayaan kasoo baxay Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah.

Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan 115 ruux oo Falastiiniyiin reer Gaza ah tan iyo bishii March, taasoo dhalisay cambaareyn caalami ah. Israel waxay rabshadaha xadka ku eedeysay in ay ka danbeeyaan Ururka Xamas.

Rabshadihi ka jiray dhinaca xadka ayaa hoos u dhacay Arbacadi kadib marki ay saraakiisha Falastiin sheegeen in ay Israel la gaadheen heshiis xabad joojin ah oo ay dhex-dhexaadisay dowlada Masar. Israel ma aysan xaqiijin heshiiskaasi.

COMMENTS
LINKS