|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Soomaaliya Oo Xilka Loo Dhaarinayo
May 29, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (W,N)- Waxa Goor dhow lagu wadaa in si rasmi ah xilka guddoomiyaha maxkamada sare ee Soomaaliya loogu dhaariyo Baashe Yuusuf Axmed oo maalin ka hor xilkan uu u magacaabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dhaarinta xilkan ee guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare ayaa imaneysa xili dhinaca kale wali guddoomiyihii hore Ibraahim Iidle Suleymaan ku adkeysanayo in uu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee maxkamada sare, isaga oo sheegay in madaxweyuhu awood u laheyn xil ka qaadistiisa. Xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamada sare ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo muran dhinaca sharciga ah, iyadoo garsooyaal iyo sharciyaqaanno arintan ka hadlay dhinacooda soo dhaweeyeen xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamada sare. Related posts:Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Maamulka Cusub Ee Loo Magacaabay Ciidanka Bool... DAAWO; Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo Dalka Kusoo Guryo Noqday Kana War Bixiyey Shir Uu Kaga Qa... Daawo:Sheekh Ka Mid ah Culimada Waawayn ee Magaalada Burco Oo Fasiraad Ka Bixiyay Dhacdadii Mucjisad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|