|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Soomaaliya Oo Xilka Loo Dhaarinayo
May 29, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (W,N)- Waxa Goor dhow lagu wadaa in si rasmi ah xilka guddoomiyaha maxkamada sare ee Soomaaliya loogu dhaariyo Baashe Yuusuf Axmed oo maalin ka hor xilkan uu u magacaabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dhaarinta xilkan ee guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare ayaa imaneysa xili dhinaca kale wali guddoomiyihii hore Ibraahim Iidle Suleymaan ku adkeysanayo in uu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee maxkamada sare, isaga oo sheegay in madaxweyuhu awood u laheyn xil ka qaadistiisa. Xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamada sare ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo muran dhinaca sharciga ah, iyadoo garsooyaal iyo sharciyaqaanno arintan ka hadlay dhinacooda soo dhaweeyeen xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamada sare. Related posts:Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Qaraarkii Kazoo Baxay Maxkamada, Eedo Culusna Uje... Daawo Xer Ilaaliyaha Guud Ee Somaliland Iyo Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Maanta Caynaba Booq... Hogaanka Xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye Oo Kulan Afur &Casho Ah Ku Wada Yeeshay Caasimada Hargaysa COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|