Gudomiyaha Xisbiga Waddani Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweyay Magaalada Ceerigabo+Sawirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudomiyaha Xisbiga Waddani Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweyay Magaalada Ceerigabo+Sawirro
May 3, 2018 - Written by Reporter:

Ceerigaabo (W,N):- Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka ah Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Mudooyinkii u danbeyayba waday Kormeero Uu ku Galaa Bixinayay Gobalada Dalka ayaa Maanta Gaadhay Magalada Ceerigaabo Ee Xarunta Gobalka Sanaag.

 

Wafti Baladhan Oo Uu Hogaminayay Musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa Markii ay Gadheen Duleedka Degmada Ceerigaabo Waxa ay Halkaasi Kala Kulmeen Soo Dhawayn Balaadhan iyaga oo ay Dadwaynuhu ay ahayeen Kuwo Taagnaa Wadoyinka isla Markaasna ku Dhawaqayay Hadalo ay ku Soo Dhawaynayeen Gudomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Waftiga Uu Hogaminayay.

Tagerayasha Xisbiga Wadani Ee Magalada Ceerigabo ayaa Taagnaa Wadoyinka Shaaraca ah ee Dhex Mara Gudaha iyaga Oo Sitay Calanka Astaanta u ah Xisbiga Wadani.

Gudomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) Oo Goob Fagare ah Kala Hadlayay Tagerayasha Xisbiga Wadani Ee Magaalada Ceerigaabo ayaa uga mahadceliyay soo dhawaynta baladhan ee ay ku qaabileen waftiga.

Waxaanu Gudomiyuhu Uga Mahad Celiyay Reer Sanaag Codkii ay Wakhtigii Dorashada Madaxtoyada ay Ugu Hiiliyeen Xisbiga Wadani.

 

cirro10 cirro5 cirro6 cirro7 cirro8cirro15cirro13cirro12cirro14cirro11cirro10

 

COMMENTS
LINKS