Guddoomiyihii Hore Ee Maxkamada Soomaaliya Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Xilka Qaadistii Lagu Sameeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyihii Hore Ee Maxkamada Soomaaliya Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Xilka Qaadistii Lagu Sameeyay
May 28, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maxkamada sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyahii Maxakamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

“Aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaan halkan ka cadeynayaa in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, xilka qaadisteyda looma marin sifo sharci ah, sidaasi darteed shaqadeyda ayaan sii wadanayaa, Guddoomiyaha waxyaabaha uu xilkiisa kaga fadhiisan karo waxaa ka mid ah in da’diisa ay gaadho 65 sano.” Ayuu yidhi Gudoomiye Iidle.

Iidle ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Khamiistii ina dhaaftay ee todobaadkan ka wada hadleen arrimo la xidhiidha garsoorka, wuxuuna tilmaamay in dhammaan laamaha garsoorka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in in uu shaqada ay sideeda ku socon doonto.

Hadii Ibraahim Iidle Suleymaan uu ku adkeysto in uu weli yahay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, waxay arrintu u muuqaneysaa inuu dhici karo khilaaf xoogan oo dhexmara isaga iyo Madaxtooyada, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ku taliyay in ay muhiim tahay hawshan in si hoose loo dhameeyo.

Hadalka guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa khilaaf hor leh ka dhax abuuraya hay’addaha garsoorka iyo madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga jawaabta ay madaxtooyadu ka bixin doonto go’aanka guddoomiye Iidle.

COMMENTS
LINKS