Fariin Caafimaad; Tayada Sharaabka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fariin Caafimaad; Tayada Sharaabka
May 30, 2018 - Written by Editor:

Rabadaan kariim

Sharaabka dalka dibada uga yimaada oo inta badan uu ku yimaada iyadoo ay saamaysay  xaalad isbadal fayadhowr  sida dhadhan badal  isbadal ku yimaada daasadaha ama caagadaha  lagu keeno sharaabka  sida fooc ama daxal kaga dhiga  hareeraha daasadaha sharaabka  ama isagoo daata waqtiga keenida sharaabka sababo  xaalada keydinta cimilo ee sharaabka  sida goobta keydinta  dekedaha  ama conteners lagu keenayo oo aan lahayn qaboojiye  waxa loo baahanyahay in ganacsatada dalka dibada uga keena  sharaabka in ay u keenan dadkooda sharaab lagu ilaaliyo had iyo  goor waqtiga dhoofinta ganacsi  kedinta xaalad qabow oo had iyo goor u baahan yahay sharaabka madaama oo ganacsigeenu  had iyo goor ku xidhan yahay dalalka  asia arab aha waxa loo baahan yahay in aynu keeno  sharaab leh tixraac waraaqahii fayadhowrka dalka ee ganacsi taarikhda sharaabka inta ugu badan loogu talo galay markuu dareeraha yahay ugu badnaan waa hal sano

Waxaad ku arkaysaa suuqyada caasimada had iyo goor bilaha rabadaan sharaab lagu xaraashayo oo tariikhdiisa ay  ka hadhay 3 4bilood  sharaabkaas oo aan u fiicnayn  in bulshadu isticmaasho waqtiga rabadaanka ama markasta marka ay taarikhdiisa ka hadhay 6 bilood waa in ganacsatadu ay ku wareejiyaan sharaabkaas  laamaha fayadhowrka dalka si loo gubo  iyadoo la ilaalinaayo had iyo goor fayaqabka  bulshadeena

Warshado ganacsi oo ku diyaariya  dalka gudahiisa sharaab  ay runtii tayadiisa fayadhowr cimilo samays aad u wanaagsantahay  sida warshadaha zamzam foster  ilo tango oo runtii maalgashaday  dalka si looga maarmo  isbadalada fayadhowr ganacsi eek u yimaada had iyo goor sharaabka  dalka dibada uga yimaada

COMMENTS
LINKS