Fadeexad Musuq-maasuq Oo Dul Hoganaysa Guddoomiyihii & Agaasimihii Hore Ee Baanka Dhexe Iyo Lacago Malaayiin Dollar Ah Oo Ay Lunsadeen & Hanti Dhawrka Oo Baadhis Ku Wadda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadeexad Musuq-maasuq Oo Dul Hoganaysa Guddoomiyihii & Agaasimihii Hore Ee Baanka Dhexe Iyo Lacago Malaayiin Dollar Ah Oo Ay Lunsadeen & Hanti Dhawrka Oo Baadhis Ku Wadda.
May 7, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe Somaliland Maxamed Dhoobaale iyo Agaasimihii hore ee Baanka Cabdilaahi Xasan, kuwaas oo uu dhawaan Madaxweyne Biixi xilalkii ka Qaaday, ayaa la sheegey inay jirto Lacag cadad badan oo ay kala baxeen qasnadaha Baanka maal mihii kala guur ka hor inta aanay xilka ku wareejin masuulinta cusub ee loo magacaabay Baanka.

Labadan masuul ayaa la wariyey inay lacag kor u dhaafaysa hal Milyan oo dollarka Maraykan ka ah ay si wada jir ah ugala baxeen qasnadaha Baanka Dhexe ee Somaliland, taasi oo ahayd Lacagtii kayd ahayd ee Qaranka Somaliland, waxaana la sheegay inay lacagtaa hab aan sharciga waafaqsanay ula baxeen Guddoomiyihii hore ee Baanka iyo Agaasimhii hore ee Baanka dhexe Somaliland.

fadeexada

Dhanka kalene Odhadka gaar ka ah ee ka howl-gala Baanka dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland , ayaa la sheegay inuu baadhitaan la xidhiidha amuurtan ku waddo Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe Somaliland Maxamed Dhoobaale iyo Agaasimhii hore ee Baanka Cabdilaahi Xasan, kuwaas oo lala xidhiidhanayo inay ku kaceen Musuq-maasuq, isla markaana la sheegay inay lacag dkor u dhaafaysa hal milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Geesta kalena Warar xog-ogaal ah oo aanu ka hellayno illo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in Agaasimihii hore ee Baanka dhexe Cabdilaahi Xasan laga soo celiyey Madaarka Hargeysa xili uu doonayey inuu dalka ka dhoofo, kaasi oo hadda uu odhadka Baanku uu ku waddo Baadhitaano la xidhiidh musuq-maasuqaa la tuhunsanyahay inay ku kaceen isaga iyo guddoomiyihii hore ee Dhoobaale.

Waxa kale oo xoggaha aanu hellaynaa ay xuseen in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay qorshaynayso inay xabsiga u taxaabto Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe iyo agaasimhii hore ee Baanka, haddii uu odhadka baadhista

ku wadaa ay usoo baxdo inay ku kaceen Musuq-maasuq , isla markaana ay lacagtaa halka mayan ah ka badan ay lunsadeen, waxaanay xukuumaddu ka dhursugaysaa baadhitaanka waxa kasoo baxo uu odhanku ku hayo labadaa masuul.

Wariye Cabdi Saxafi

COMMENTS
LINKS