Dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti heshiis kala Saxeexday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti heshiis kala Saxeexday
May 31, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (W,N) – Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliy Axmed Ciise Cawad oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxda dalkaasi.

2018531636633299750767789Jabuuti-1-1

Wasiir Arimaha Dibada Soomaaliya waxaa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ballaadhan ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Wasiir ayaa kala saxeexday heshiisyo Saddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka, iyaga oo balan qaaday heshiisyadan in ay noqon doonaan kuwo si dhaw u dhaqan gala.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Amb. Ahmed Isse Awad oo ay ku wehliyeen socdaalkiisa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo Siihayaha xilka Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Khaliif Cali Xaashi Cilmi ayaa waxa ay booqasho sharafeed ugu tageen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

COMMENTS
LINKS