|
|||||
WAJAALE NEWS
DEG DEG: Madaxwayne Muuse Biixi Oo Hada Ka Hadlay Dagaalka Tukaraq, Kuna Hanjabay In Somaliland Dagaal Culus Qaadi Doonto
May 15, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo goor dhaweyd ka hadlayey dabaal dega xuska 18 May waxaa uu ka Hadley dagaalka Tuko-raq saaka ku dhex maraaya Somaliland iyo Puntland. Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Puntland ay ciidamada Somaliland soo weerareen saddex bilood ee ugu danbeeyey 23jeer. Madaxweynaha ayaa sidoo kale carabka ku dhuftey in dagaalka saaka uu ka fursan waayey in Somaliland ay ka jawaabto , isla markaana waxaa uu madaxweyne Biixi ku hanjabey in ciidamada Puntland ay u dhigi doonan casharkii ay Somaliland u dhigtey dawlada Maxamed Siyaad Bare . “Waxaan u sheegayaa qaranka Somaliland in ciidanka Somaliland ay ka gaadheen guulo la taaban karo dhammaan jihooyinkii laga soo weeraray oo ay weliba hubna ka furteen jabiyeenna difaacii ciidanka.” ayuu yidhi madaxwweye Biixi.
Related posts:Prof. Axmed Ismaciil Samatar Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Lana Weydiiyay Wixii Uu Somaliland ... Daawo:Wakaalada Qurbo Joogta Oo Xadhiga Laga Jaray Iyo Weedhaha Masuuliyiintii Ka Hadlay Madasha+Fay... DAAWO;-Maayarka Caasimada Oo Kormeer Ku Tagay Meelihii Khasaaraha Ay Soo Gaadhsiiyeen Roobabku! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|