Dawlada Jabuuti Oo Dekedaheeda Saami Ka Siisay Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo Dekedaheeda Saami Ka Siisay Itoobiya
May 2, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (W,N):- Dawladda Itoobiya ayaa saami ku yeelan doonta dekedda dalka Djibouti, ka dib markii ay is afgarad arrintan ka gaadheen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr. Abeyi Axmed.

Warbaahinta Itoobiya ee ay dawladu maamusho ayaa baahisay in  hirgelinta heshiiskan cusub ee saamiga ka siinaya dekedaha Jaabuuti, dalka Itoobiya ay tafaasiishiisa dhammayn doonaan guddi wasiiro ah oo labada dawladood ka socda.

1-12-300x217

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Axmed Shide, ayaa saxaafadda u sheegay inaan weli la isla meeldhigin saamiga ay Itoobiya ku yeelanayso dekedda Jabuuti, laakiin ay ku hawlanyihiin khabiiro labada dhinac ka wada tirsani.

Wasiir Shide, wuxuu intaas raaciyay in heshiis hordhac la saxeexi doono laba bilood gudahood.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu dawladda Jabuuti ka dalbatay in Itoobiya ay doonayso in saami laga siiyo dekedda Jabuuti, taas oo uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isna aqbalay.

Itoobiya ayaa badeecadaheeda kala duwan kala soo degta Jabuuti tan iyo sanadkii 1998 markii ay isku dhaceen Jabuuti iyo Ereteriya. Laakiin dawladda Jabuuti ayaa ka xumaatay ka dib markii ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland iyo shirkadda Imaaraadka ee DP World inay saami dhan 19% ku yeelato maalgashiga dekedda Berbera.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa u arka talaabadan mid ay Jabuuti doonayso inay ku wiiqdo miisaanka heshiiska DP World ee Berbera ee saamiga laga siiyay Itoobiya.

Warbaahinta Itoobiya ayaa aad u falanqaysay markii ay Itoobiya saxeexday saamigeeda Berbera, waxaanay sheegtay in Jabuuti si weyn uga cadhootay go’aanka Itoobiya ee ah saamiga ay ku yeelatay dekedda Berbera ee ay DP World maalgashanayso.

Jabuuti iyo shirkadda DP World ayaa si weyn isu maandhaafsan, ka dib markii ay DP world maalgelin ku samaysay dekedda Berbera.

 

Jabuuti ayaa laashay heshiiskii sharci ee ay kula jirtay DP world, shirkadda DP world ayaa iyaduna maxkamad Ingiriika ku taala u gudbisay dacwad ka dhan ah go’aanka ay Jabuuti ku laashay heshiiskaas.

 

 

COMMENTS
LINKS