Dableey Hubaysan Oo Magaalada Muqdisho Ku af-duubay Haweenay U Shaqeysa Hay’adda ICRC | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dableey Hubaysan Oo Magaalada Muqdisho Ku af-duubay Haweenay U Shaqeysa Hay’adda ICRC
May 3, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) – Dablay hubeysan ayaa xaruunta ICRC ee magaalada Muqdisho ka af-duubtay Haweenay u shaqeysa hay’addaas oo u dhalatay Dalka Jarmalka.

 

Afduubkan ayaa wuxuu dhacay abaaro sideedii habeenimo, ka dib markii niman hubeysan ay soo galeen xerada ICRC ee magaalada Muqdishu halkaas oo ay ka qafaasheen haweeneydaas.

 

Shaqaalaha u shaqeeya hay’adda ICRC ayaa u sheegay wakaaladda AFP in dableeyda ay si xoogan ku maquuniyeen wardiyayaashii albaaka, ka dibna ay soo qafaasheen haweeneyda, waxeyna ku qaadeen gaadhi u taagnaa albaaka hortiisa.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda baadhitaan ay ku baadigoobeyso afduubkan loo geystay gabadhan u dhalatay dalka Jarmalka.

 

Maalintii Salaasada ayaa gabadh u shaqeysa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO lagu dilay magaalada Muqdisho.

COMMENTS
LINKS