|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO ; Wafti ka Socda Xukuumada Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Baarlamaanka Dalka Sweden.
May 8, 2018 - Written by Editor:Sweden(W,N):-Wasiir ku xigeenka arimaha dibada somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug iyo maayarka magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Oo ku sugan wadanka Sweden ayaa Maanta kulan la qaatay xubno ka tirsan baarlamaanka dalkaasi. Kulankan oo dhex maray masuuliyiinta ka socday somaliland iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Sweden ayaa Waxaa soo qaban qaabiyay safiirka Somaliland ufadhiya dalka Sweden Ambasador Sakariye Xasan Wacays isagoo ka warbixiyay waxyaabaha uu daarnaa kulankani Iyo taageerada ay baarlamaanka dalka Sweden u hayaan somalilaand. Sidoo kale waxaa shirkan ka dib bulshada reer Somaliland eek u dhaqan qaarada yurub fariim muhiima udiray Ambasador sakariye oo sheegay in ay bulshada reer Somaliland eek u dhaqan Sweden ay isku soo bax balaadhan ay ka horsamayn doonaan xarunta baarlamaanka dalka Sweden kaasi oo lagu dalbanayo in ay Somaliland aqoonsi siiyaan. Dhanka kale waxaa iyagu halkaasi ka hadlay wasiir kuxigeenk arimaha dibada Somaliland iyo maayarka gabiley oo labadooduba ay ka dareen celiyeen waxyaabihii u qabsoomay. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; https://youtu.be/8kmI-p_3tNo
Related posts:Diblamaasiyiin Reer Galbeeda Oo Xog Waraysi Hoose La Yeeshay Siyaasiyiin Xukuumada Laga Caydhiyay Iy... Dibad Baxayaal Muslimiin Ah Oo Ka Cadhaysan Sheekh Imaam Ahaa Oo Xalay Toogasho Lagu Dilay Magaalada... Muj Ibraahim Dhagawayne Oo Dardaaran Culus Ujeediyay Haldoorka Beeshiisa Ee Isbadal Doonka Ah. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|