Breaking News: Dabley Hubaysan Oo Caawa Magaalada Laascaanood Ku Dilay Nin Dhakhtar Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Breaking News: Dabley Hubaysan Oo Caawa Magaalada Laascaanood Ku Dilay Nin Dhakhtar Ah
May 10, 2018 - Written by Reporter:

Laascaanood (W,N) – Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa Caawa Fiidkii gudaha Magaalada Laascaanood toogasho ku diley nin kalkaaliye caafimaad ah.

Ninkan oo lagu magcaabi jirey C/rashiid Barkhadle ayaa la toogtey isagoo horfadhiya goob caafimaad oo ku taala meel aan ka fogayn qiyaasta 100 talaabo saldhiga booliska ee badhtamaha xili lagu jirey salaadii Cishe.

Rasaas badan ayaa dhacday ka dib dilka marxuunka oo ay ridayeen ciidanka Booliska illaa hadana lama sheegin in ay qabteen dadkii falka geystey,

Saraakiil Boolisa oo aan la xidhiidhnay waxa ay noo sheegeen in ay hawlgal ku jiraan iyagoo ka cudur daartay wax warbixin shilka oo wakhtigaas dhacay awgii.

 

Wajaalenews Desk

Laascaanood Office

COMMENTS
LINKS