|
|||||
WAJAALE NEWS
Boqor Buurmadow Oo Xukunkii Laga Khafiifiyay
May 20, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N)- garsooraha maxkamadda rafcaanka ee Hargeysa Cabdi Axmed Xasan ayaa maanta ku dhawaaqay fadhi maxkamaddu yeelatay oo goob joog uu ahaa boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadaw in maxkamadda rafcaanku ku xukuntay boqorka saddex sano oo xadhig ah . maxkamadda Rafcaanku waxay ka dhintay maanta xukunkii maxkamada gobolka hargeysa ay 26-dii April 2018 horay ugu xukuntay boqor Buurmadaw shan sano oo xadhig ah . Boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadaw oo lagu xidhay Hargeysa 21-kii April2018 waxaa xeer ilaaliyaha guud ee somaliland ku eedeeyay inuu 15 April munaasabad dhaqameed uu boqorku kaga qayb galay Puntland uu kaga hadlay khudbad wiiqaysay ayuu yidhi gooni isutaagga Somaliland iyo ciidamadeeda . Qareenada difaacayay boqor Buurmadaw ayaa eedeyntaasi ka difaacay, hase-yeeshee garsooraha maxkamada rafcaanka ee Hargeysa Cabdi Axmed Xasan wuxuu sheegay in denbigaasi lagu helay boqorka laguna riday saddex sano oo xadhig ah. Related posts:Sahra Halgan Oo Ka Dareen Celisay Wixii Ku Kalifay Inay Siyaasada Dhexgasho Kana saaray Fankii Iyo S... Xildhibaan Buubaa Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Wareegtooyin ay Xukuumaddu Lacago Ku Weydiisay Tiro s... “Hadii Qorshaha Ciidanka Itoobiya Uu ku Imanayo Gudaha Somaliland Uu Rumoobo,Waxay Noqonaysaa Markii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|