Boqor Buurmadow Oo Ku Dhex Xanuusanaya Xabsiga Dhexe Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqor Buurmadow Oo Ku Dhex Xanuusanaya Xabsiga Dhexe Hargaysa
May 1, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa, ayaa la sheegay inay soo waajahday xaalad caafimaad darro.

 

Boqor Buurmadoow ayaa shalay laga soo saaray xabsiga, waxaana la keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa oo ka dib markii caafimaadkiisa lagu eegay dib loogu celiyay xabsigii uu ku jiray. Xanuunada Dhiig-karka iyo macaanka oo uu Boqor Buurmadoow leeyahay ayaa la sheegay inuu dhiiguna kacay, macaankuna hoos u dhacay.

 

Boqor Buurmadoow ayay maxkamadda Hargeysa khamiistii ku xukuntay shan sannadood oo xadhig ah ka dib markii uu khudbad ka jeediyay munaasibad uu Puntland kaga qayb galay oo loo qabtay madaxdhaqameed la caleemo saaray.

 

COMMENTS
LINKS