Beesha Caalamka Oo Ka Hadlay Dagaalka Tukaraq, Ee Somaliland Iyo Maamulka Somaliya Fariimo Muhiim Ahna U Diray Labada Dhinac. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Beesha Caalamka Oo Ka Hadlay Dagaalka Tukaraq, Ee Somaliland Iyo Maamulka Somaliya Fariimo Muhiim Ahna U Diray Labada Dhinac.
May 25, 2018 - Written by Editor:

Adis ababa(W,N):-wadamada beesha caalamka  ayaa ka hadlay dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Tuke-raq ee gobolka Sool kaas oo u dhaxeeyey somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.

Wadamada beesha caalamka ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in labada dhinac ee dagaalku dhex maray ay ugu baaqayaan in dagaalka la joojiyo, waxaanu warkoodu u dhignaa sidan.

“Waxaanu si aad ah uga walaacsanahay iska hor imaadyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay aaga Tuke-raq  ee gobolka Sool kaas oo u dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland waxaanan si deg deg ah ugu baaqaynaa labada dhinac inay xabada joojiyaan.

Sida wararku sheegayaan, dagaallo culus ayaa bilowday subaxnimadii Khamiista kaas oo dhex maray Puntland iyo  Somaliland oo la sheegay inay isticmaalaan hub culus.

Waxaan ugu baaqaynaa labada dhinac inay joojiyaan dagaalka oo ay bilaabaan wada hadal u dhaxeeya taliyeyaasha ciidamada milatariga ee ku sugan dhulka lagu dagaalamay, waana in labada dhinac sugaan gargaarka bina aadaminimada ee la gaadhsiinayo dadka barakacayaasha ah.

Beesha caalamku waxay ogaadeen in rabshaduhu ay socdaan iyada oo ay jirto xaalad bina aadaminimo oo aad u adag taas oo markii horeba jirtay isla markaana ay sii xumeeyaan saamaynta duufanadii Sagar ee dhawaan dhacday.

Qaramada midoobay, midawga Afrika, midawga Yurub iyo wadamada  Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom and the United States  waxay isku raaceen in ilaalinta nabad galyadu ay muhiim u tahay labada dhinacba.

https://youtu.be/zbhRvisEoHU

COMMENTS
LINKS