BAAQ ; “Aqbali Mayno,Awoodna Uma Laha In Wax Ka Badall Lagu Sameeyo Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
BAAQ ; “Aqbali Mayno,Awoodna Uma Laha In Wax Ka Badall Lagu Sameeyo Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May”
May 4, 2018 - Written by Editor:

18 May,Waa Maalin Maalmaha Ka Tilmaaman Oo Ku Qoran Quluubta Bulshada Jamahuuriyadda S/land Mana Aha Maalin Wax Ka Badall Lagu Samayn Karo

GABILEY(W,N) Tann iyo markii Bulshada S/land maqleen dhawaaqii dhiilada lahaa ee ka soo yeedhay Gudidii Madaxwayne Muuse Biixi u magacaabay 7/4/2018 Qaban-qaabada iyo Agaasinka Xuska Maalinta Qaran ee 18 May,ee ahaa in laga soo hormarinayo Xuska Maalinta Qaran ee 18 May Sadex Maalmood isla-markaana la qaban doono 15/5/2018,Arintaasoo Bulshada S/land ku noqotay mid ugub ah oo u qaadan waa ku riday,waxaana naga soo gaadhaya qaybaha kala duwan ee Bulshada S/land Baaqyo si adag loogu diidan yahay in wax ka badal lagu sameeyo Xuska Maalinta Qaran ee 18 May,iyadoo Baaqani naga soo gaadhay Xubno ka mida Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley,Mujaahidiin,Aqoonyahanno, Ganacsato iyo Dhalinyarada ku dhaqan Gabiley ayuu hall ku dhigiisu ahaa sidann:-Aqbali Mayno,Awoodna Uma Laha In Wax Ka Badall Lagu Sameeyo Xuska Maalinta Qaran Ee 18 May.

18may 11

18 May,Waa Maalin Maalmaha Ka Tilmaaman Oo Ku Qoran Quluubta Bulshada Jamahuuriyadda S/land Mana Aha Maalin Wax Ka Badall Lagu Samayn Karo.

Inkastoo,Gudida Qaban-qaabada iyo Agaasinka Xuska Maalinta Qaran ee 18 May uu Gudoomiye ka yahay Madaxwayne ku xigeenka S/land C/raxmaan C/laahi Ismciil Saylici,waxaa xusid mudan in Warqada Madaxwayne Muuse Biixi ku magacaabay Gudidan uu Afar Jeer Madaxwaynuhu qoraalkiisa ku xusay Maalinta Qaran ee ku Astaysan 18 May,Talaabadan Gudidu ula badheedhay Xuska Maalinta Qaran ee 18 May ayaa marag cad u ah Amarada is garab socdka ee Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi,waana markii u horaysay ee Afartii Xukuumadood ee S/land soo maray lagu arko Madaxwayne iyo Gudi uu magacaabay oo Amaro iska soo horjeeda Bulshada S/land u soo gudbinaya .

Talaabada Gudidani ula badheedhay Xuska Maalinta Qaran ee 18 May ayaa ka dhigaysa in lagu jahowareero Xuska Maalinta Qaran ee 18 May,iyadoo Sannadkan 2018 iyo Labada Sannadood ee socda ee 2019 iyo 2020 oo ku soo beegmay Bisha Barakaysan ee Ramadaan ay noqonayso in Bilo iyo Maalmo kala duwan la qabto Xuska Maalinta Qaran ee 18 May,waxaase hubaala in ay Gudidaasi ku adkaatay iswaafajinta Xuska Maalinta Qaran ee 18 May iyo Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Xushmadeeda iyo karaamadeeda mudan oo isku soo beegmay,waxaanay Gudidaasi ku keceen talaabo gaf iyo meel ka dhac ku ah Qaranimada Jamahuuriyadda S/land.

Ball aynu wada dull joogsano,Warqada Madaxwayne Muuse Biixi 7/4/2018 ku magacaabay Gudida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Maalinta Qaran ee 18 May oo u dhignayd sidan:-

MADAXWAYNE MUUSE BIIXI

Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa

Ujeeddo: Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Waxa foodda innagu soo haya Xuska Sannad Guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May,taasoo inooga baahan qorshe iyo u diyaar-garow, maadaama Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan,ay u dabaal-degayaan Xuska 18 May,isla markaana dareenka qarannimadooda u soo bandhigayaan Beesha Caalamka.

Sidaa darteed,waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba,waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa in ay xil weyn iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May.Sidoo kale,Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan la farayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Waxayse Su”aali ka taagan tahay.Dawladaha Islaamku wax ma ka badalaan hadii ay isku soo beegmaan Xuska Maalinta Qarankooda iyo Bisha Barakaysan ee Ramadaan ? Yaa Gudida Awood u siiyay in ay Xuska Maalinta Qaran ee 18 May Dibb ugu dhigi karaan ama ka soo hor marin karaan Maalinta loo Asteeyay? Sidee la isku waafajinayaa Go”aanka gudidu iyo Qoraalada laga muujinayo Jacaylka Bulshada S/land u hayso Xuska Maalinta Qaran ee 18 May? Sannadka 2019 ma waxaa la qaban doonaa Xuska Maalinta Qaran ee 18 May 4/5/2019 ? Sannadka 2020 ma waxaa la qaban doonaa Xuska Maalinta Qaran ee 18 May 23/4/2020 ? dhamaan Su”aalahaa waxaan u dhaafayaa Akhristayaasha Baaqan .

Ugu dambayn,waxaan Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ugu  baaqaynaa in aan waxba laga badalin Xuska Maalinta Qaran ee 18 May.

Xilldhibaan Mustafe Sayid Abokor

Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Garyaqaan Xasan Sh Muxumad Warsame

Ganacsade Mustafe Barkhad Meecaad

Muj,Maxamad Aadan Cabsiiye ( Gaafoote )

COMMENTS
LINKS