12 Shaqaale Ajaanib ah oo Laga Mastaafuriyey Somaliland Iyo Sababta keentey Mataafuriskooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
12 Shaqaale Ajaanib ah oo Laga Mastaafuriyey Somaliland Iyo Sababta keentey Mataafuriskooda
May 29, 2018 - Written by Editor:

Wajaalenews:-

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Waddanka Sri Lanka oo kaashanaysa hay’adda caalamiga ah ee socdaalka Dunida (IOM) ayaa dib u celiyay 12 qof oo ah shaqaale Somaliland joogay oo dalkaasi u dhashay. Waxa la sheegay in dadkaasi ay Somaliland xannibtay muran ka dhashay shaqo awgeed.

Wasaaradda Khaarajiga ee Sri Lanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in iyada oo kaashanaysa safaaraddeeda Addis Ababa iyo hay’adda IOM ay ku guulaysatay in si nabad ah loo soo celiyo shaqaale muran dhanka shaqada ah ugu xannibmay Somaliland.

Shaqaalaha ayaa dalkooda Sri Lanka gaadhay galinkii dambe ee Shalay.

“Dawladda Sri Lanka waxay qiraysa doorka shariifka ah ee hay’adda IOM ka qaadatay caawimo ay aad ugu baahnayeen dawladda Sri Lanka iyo dadkeedu oo ah arrintan iyo arrimo horeba,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka Sri Lanka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u shaqo tagaan meelaha halista ah ama aanay Sri Lanka ku lahayn safaarad iyo Qunsuliyad. Sida la sheegay dawladda Sri Lanka ayaan Somaliland la lahayn xidhiidh diblamaasiyadeed.

Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanayd qorshe dadka ajaanibta ah lagaga joojinayo shaqooyinka ay qaban karaan muwaadiniintu laakiin, lama oga in arrintaasi saamaysay shaqaalaha reer Sri Lanka.

COMMENTS
LINKS