Yuusuf Garaad Oo Soo Bandhigay Dhacdo Ku Suntan Taariikhda Fanaanadii Sahra Axmed Jaamac | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yuusuf Garaad Oo Soo Bandhigay Dhacdo Ku Suntan Taariikhda Fanaanadii Sahra Axmed Jaamac
April 5, 2018 - Written by Reporter:

“Waxanu Joognay Xarun Ciidan Oo SNM Ay Lahayd, Labadayadu Isku Af Kumaanu Hadlayn Laakiin Waxaanu Isu Fahmaynay Sida Gabdho Walaalo Ah” Antonella Notari oo u dhalatay Switzerland.

 

Capture

 

Waxay ahayd markii dagaalkii 1988 dartiiay Hargeysa iyo Burco ka qaxeen dadkii degganaa, laakiin ay iyadu goosatay in ay gacan ka geysato gargaarka inta magaalada ku hadhay iyo dadka tuulooyinka deggan.  Oktoobar 1990 iyada oo oo joogta Darar Weyne oo Hargeysa aan ka fogeyn ayaa gaadhiga ay la socotay oo ICRC ay lahayd uu xumaaday. Iyada iyo qaar ICRC ahi waxay hore u sii raaceen baabuur uu leeyahay Boolisku. Weerar ay SNM ku soo qadday gaadhiga ayuu ku dhintay Peter oo ka tirsanaa ICRC, waxaana wadajir loo afduubay Sahra iyo Antonella Notari oo u dhalatay Switzerland.

Sahra iyo Antonella waxaa lagu hayay hal goob. Markii Antonella la sii daayay 1990 ayaa labadayada isugu dambeysay ilaa dhowr iyo toban sano ka dib aan labadoodaba ku casuumay xafiiskeygii London. Sahra iyo Antonella waa isku burureen. Waxay ahayd kulan ay xusuusteen murugo xanuun badan. Haddana wuxuu ahaa kulan uu is araggoodu farxad geliyay.

Halkaas ayaanu saddexdayada iyo qaar kale oo aan casuumay oo ay fannaaniin Waaberi ahi ay ka mid ahaayeen  ku wada qadeynay. Mar kale ayaan aniga iyo Antonella ku soo booqannay Sahra guriga ay London ka degganeyd, halkaas oo iyada iyo fannaaniin kale aan wakhti dheer kula sheekeysannay. Maanta [shalay] ayaan Antonella ku wargeliyay geerida Sahra Axmed. Aad ayay uga murugootay geerida Sahra. Iyada oo Sahra u murugoonaysa, Antonella waxay tidhi:

“Sahra Ahmed Jama waxaan ku xusuustaa sidii ay ii qaboojisay markii aan ka warhelay in Peter oo aan wada shaqeyneynay uu dhintay. Waan kala daatay. Labadayaduba waxaanu joognay xarun ciidan oo SNM ay ku lahayd lama degaanka ku yaalla Somaliland. Gacanta ayay i qabatay markaas ayay i geysay geedo gadaashood kadibna Sida carruurta  ayay iigu maydhay. Isku af kumaynaan hadal. Laakiin waxaan isu fahamnay sida gabdho walaalo ah. Waxay ahayd qof aad geesi u ah, oo ay ka go’an tahay in ay dadkeeda u gargaarto. Qalbi furan oo gacanqabasho wata ayay kula dhaqmaysay qof kasta, kuwaas oo aan ka mid ahayn annaga oo ka soconna ICRC. Weligeey ma illoobi doono. Barakadeedii ayaa weli igu jirta. Aniguna waxaan ducadeyda u dirayaa qoyskeeda. Waxaan u rajeynayaa in ay nabad ku noolaadaan”. Sidaa ayay tidhi Antonella. Bisha Cas ka hor, Sahra Axmed, waxay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay Hobollada Waaberi. Sidaa darteed waa fannaanad magac dheer oo Soomaali badankeed ay taqaan. Walaalkey ayay Sahra ahayd fannaanadda uu dhegeysigeeda ugu jecel yahay. Labadaba Allah ha u naxariisto. Allah ha u naxariisto. Jannada Allah ha ka waraabiyo. Inta jecelna Samir iyo Iimaan Allah ha ka siiyo.

Qalinkii: Yuusuf Garaad Cumar Axmed

 

COMMENTS
LINKS