Xiisada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Cirka Isku Sii Shareertay Iyo Kulamo Gooni Gooni Ah Oo Muqdisho Ka Socda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xiisada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Cirka Isku Sii Shareertay Iyo Kulamo Gooni Gooni Ah Oo Muqdisho Ka Socda
April 4, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N):- Iyadoo ay muuqato maanta in aanu dhicin fadhiggii lagu ballasanaa ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa dhinaca kale waxaa ka Soconaya kulamo gooni gooni ah oo ay Muqdisho ku leeyihiin xildhibaannada iska soo horjeeda.

breaking_news_1_

 

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ayaa ku soo dhamaaday fowdo iyo buuq kaddib markii xildhibaannada halkaa isugu tagay dhinac walba oo ka mid ah aysan u suurta-galin uu Ajandihiisa horgeeyo Golaha oo lagu arkayay ciidamo aad u hubeysan oo isugu jiray kuwa Amniga sugaya iyo ilaalada guddoonka Baarlamaanka.

 

Xildhibaannada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa dhinac walba kan kale ku eedeeyay in ay Khalkhalgaliyeen Amaanka Golaha.

 

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaannada ka soo horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya isku uruursanayaan qabashada kulan sida hadalka loo dhigay ay xasaasanada ama kalsoonida kala noqonayaan Guddoomiye Jawaari oo ay ku eedeynayaan in uu ku tuntay jirintaan Baarlamaanka.

 

Laakiin dhinaca kale xildhibaannada diidan mooshinkan ayaa warbaahinta u sheegay in saaka la geeyay xarunta Baarlamaanka ciidamadii ilaalada madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana wasaarrada Amniga u diiday in ay gudaha u gallaan fadhigga.

 

Meelaha qaar waxaa la leeyahay waxaa jiray jidh dil iyo hantadaad lagula kacay qaar ka mid ah wariyayaashii halkaa u tagay in ay soo tabiyaan wararka ku saabsan kulanka Baarlamaanka oo ciidamadu u adeegsanayeen hub iyo rasaas kor ridayay.

 

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiiinta ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lala xidhiidhinayo xiisada Baarlamaanka.

 

Isku socodka dadka iyo gadiidka caasimada Muqdisho ayaa wali xaddidan oo meelaha qaar magaalada looma ogala in ay gadiidku isticmaalaan.

 

 

COMMENTS
LINKS