Waxaa La Gaadhay Wakhtigii Madaxwayne Muuse Biixi Kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ku Wareejin Lahaa, Siyaasi Ka Soo Jeeda Beesha Bariga Burco!!Faalo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaa La Gaadhay Wakhtigii Madaxwayne Muuse Biixi Kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ku Wareejin Lahaa, Siyaasi Ka Soo Jeeda Beesha Bariga Burco!!Faalo
April 8, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Waxay Taariikhdu ka Marag kacaysa in Madaxwayne Siiraanyo Uu Yahay Todoba maalmood oo kaliya Markuu Talada dalka Hayay,Maalin Arbaca ah oo taariikhda ku beegan,4/8/2010 in Uu  si rasmi ah ugu wareejay xilkii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbigaasi.Muj:Muuse Biixi Cabdi,   waxaana xafladii xill-Wareejinta Kursiga Guddoomiyaha ee Xisbiga Kulmiye ka Sheegay Madaxwayne Siiraanyo in uu fulinayo Go’aamadii ka soo baxay shirkii Labaad ee Golaha dhexe xisbiga kulmiye ee Burco lagu qabtay kaasoo ay ka mid ahayd in uu xilka ku Wareejiyo hadduu ku guulaysto Talada Dalka,isagoo qadarinaya In Aanu Labada Xill Qofna isku hayn Karin maantana Go’aansaday in uu ku Wareejiyo.

Siilaanyo iyo muuse xili hore

Sidoo kale Waxaa xusid in Muj Muuse Biixi Cabdi maalintaa lagu Wareejiyay kursiga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu u mahad naqay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo,sida kalsoonida leh ee uu xilka u wareejiyay,isagoo sheegay in ay Afrika ku yar tahay Madaxweyne taladii Xisbiga Wareejiyay,waxaanu xusay in Madaxweyne Siilaanyo yahay Macallinkiisii Siyaasada haday tahay Halgankii iyo haday tahay ta Xisbinimadaba.

Mar kale,Maalinta Xillka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Madaxwayne Siiraanyo ku wareejay Madaxwayne Muuse Biixi oo Sideed Sanno laga joogo waxuu sheegay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo yahay Siyaasi Aragtidiisu dheer tahay isla markaana fuliya balamaha,waxaanu xusay in maanta oo kaliya Aanu ku sifoobin in uu qadariyo Heshiiskii Xisbigiisu galay ee uu Hore Tan oo kale u sameeyay gaar ahaana Wakhtigii SNM ee Bali-gubadle la joogay,isagoo intaa raaciyay in uu la shaqayn Doono Oo aanu ka hor iman Doonin Xukuumadda Madaxwayne Siiraanyo .

dabaal dagii muuse 2008

Waxaana xusid mudann,in Munaasibadaa xill wareejinta  ee Madaxwayne Siiraanyo ku wareejiyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi ka hadlay Labada Guddoomiye ee labada Aqal ee Baarlamaanka Saleebaan Maxamud Aadan iyo C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro,waxaanay labada Guddoomiye u mahadnaqeen Madaxweyne Siilaanyo siduu ugu Wareejiyay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxayna u rajeeyeen in Illaahay u fududeeyo Xillka Xisbiga iyagoo labada masuul Siilanyo iyo Muuseba ka codsaday in ay Xisbiyada Mucaaradka ahna dhisaan.

Waxaase iswaydiin mudan,Miyaan la gaadhin Wakhtigii Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ku wareejin lahaa kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Siyaasi ka soo jeeda Beesha Bariga Burco ? Ma kaga dayan doonaa Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Macalinkiisii siyaasadda ee Axmed Siiraanyo oo Maku wareejin doonaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Siyaasi ka soo jeeda Beesha Bariga Burco ? Ma fulin doonaa Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Heshiiskii laga Ansixiyay Ergooyinkii Shirkii Golaha dhexe ee 2008 Burco ku sugnaa ?

Isku soo wada duuboo waxaa Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Horyaala arinta wareejinta gudoomiyenimada xisbiga oo u baahan go,aan qaadasho ay ku lamaan tahay bisayl siyaaasadeed iyo in uu maro jidkii Macalinkiisii siyaasadda ee Axmad Siiraanyo u jeexay oo uu ku wareejiyo kursiga  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Siyaasi ka soo jeeda Beesha Bariga Burco.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAAELE STAFF

 

 

COMMENTS
LINKS