Waxa Looyaqaano Dissemination Of Result…W/Q: Haldoor Ismail M Aden-Dhicir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxa Looyaqaano Dissemination Of Result…W/Q: Haldoor Ismail M Aden-Dhicir
April 27, 2018 - Written by Reporter:

Waxa Looyaqaano Dissemination Of Result.

 

Maxaa Keenay In Dadkeenu Sabab sadaan Ama Dhaxal Xumo Kala Kulmaan Waxa Ay Qorraan Ama Waxa Ay Ku Hadlaanba?

Marka La Baranayo Cilmiga Research-ka (Baadhitaan ka) Waxaa Shuruucdiisa Kamida Qodob ka Layidhaahdo (Dissemination Of Result) Oo Ah (Natiijada Ka Dhalanaysa Waxa Aad Qortay Faafintiisa).

Qodobkani waa Mid Cilmiyan Balaadhan Waana Midka Kala Hufa Ee Kala Haadiya Qofka Aqoonta Durugsan Uleh Waaxaha Qorraalka Waxkasta Oo Uu Qorrayo Soona Bandhigayo.

Waa Dabarka Qorraa Aqoon Uleh Habka Qoraalka Qabta Marka Uu Eego Natiijada Ka Dhalanaysa Qorraalkiisa.

Hadaba Suaasheena Sarre Waxaa Jawaab U Ah Isla Qodobkan Oo Aan Dadkeenu Aqoon Ulahayn Keliya Ay Maqleen Uun Waxbaa La Qorraa Iyaga Oo Aan Marnaba Ka Fakarayn Waxa SooSocda Ee Keliya Diirada Saara Xiliga La Joogo, Waana Mida Hada Ku Badan Bulshada Ee Dad Badani U Eedeen Afkooda Ama Qalinkooda.

Qorrida Qof Uu Soo Bandhigo Qorraalo Tafatiran Oo Bilaaa Dhaliil Bulsheed Ah Ama Maamul, Ee Isla Haddana Taabanaya Xaqiiqada Jirta Ayaa Ah Sirta Aqoonta Qorraal Ee Qof Leeyahay.

Waxaa Muhiim Ah In Dadkeenu Xooga Saaraan Barashada Xeerka Qorraalka Siiba Kuwa Wax Qorra, Waayo U Hayaanka Horumarka Dawladnimo Iyo Dawlad Noqoshaduba Maogolaanayaan Qorraal Dhacdhac Leh.

Waxaynu Ku Bilownay Dadkeenu Dunni Xor Ah Qorraalka Oo Wixii La Doono Layska Qorrayo Kadibna La Daabacayo Ilaa Majaladaha Ama Jaraaida Waaweyn Lagaadhsiiyo Iyada Oo Weliba Bilaa Codsi Iyo Bilaa Ogolaansho Ay Tahay.

Halka Wadamada Kale Aan Waxba Meel Lagu Qorrin Ilaa Lagaa Tijaabiyo Sidoo Kalena Aad Soocodsanayso Meesha Aad Rabto Inaad Wax Ku Qorto.

Iyadoo Weliba Nafo Iyo Ajalo Badan Uu Galaaftay Qorraalkii Ay Qorreen Noocuu Doonaba Ha Ahaadee.

F : G

Aqoon yarri Aamusbaa Lagu Kabaa Bay Somalidu Ku Maahmaahdaa !

Waxkastana Barashaa Ka Furran , Ilaa Gundhiga ! Dadkaygoow Aynu Iska Giijino.

………Wabilaahi Tawfiiq……

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan

Barre Jamacadeed

Abwaan Dareen Cabirre Ah

Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha

Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan

Kafaalooda Arimaha bulshada

Siyaasada Somalida Iyo Caalamka

Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah

Dhexdhexaad Xeer-beegti ah

Xil Guudna Sidda.

Email: Ismail1234921@gmail.com

Mob: +25263 409 48 55

 

 

COMMENTS
LINKS