Wasiirka Gaashaadhiga Soomaaliya Oo Is Casilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Gaashaadhiga Soomaaliya Oo Is Casilay
April 24, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaadhiga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu isku soo tagay qabasha xilka guddoomiyaha Baarlamaanka.

2018424636601514428078095waziirka

 

Wasiirka ayaa isku casilay sidii uu ugu tartami lahaa qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo guddiga qaban qaabada doorasha guddonka Golaha Shacabka ay sharuud ugu dhigeyn in wasiirkii doonaya in jagadaasi u tartamo marka hore is casilo.

 

Sida ay sheegeyn qaar ka mid ah guddiga qaban qaabada doorasha guddonka Baarlamaanka waa wasiirkii Afaraad ee isku casila ka qeyb galka doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Galinka dambe ee maanta ayaa la soo gaba gabeyn doonaa is-diiwaan gelinta musharaxiinta u tar tamaya Af-hayeenka Golaha Shacabka, taas oo dhici doonto 30 bishaan Abriil.

COMMENTS
LINKS