Wasiirka Arrimaha Dibeda Soomaaliya Oo La Kulmay Xoghayaha Ururka Jaamacada Carabta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Dibeda Soomaaliya Oo La Kulmay Xoghayaha Ururka Jaamacada Carabta
April 14, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) – Wasiirka Arrimaha dibada dowlada Federalka Soomaaliyae Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kula kulmay Dalka Boqortooyada Sacuudiga Xog-hayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyd.

 

2018414636592890058932858ARIMAHA-DIBADA-620x330

Kulanka labada mas’uul ayaa la sheegay in looga hadlayay horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

 

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyd warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya.

 

Mr Axmed Abul Qeyd xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankiisa bogaadiyey horumarada iyo dadaalada ay wado Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxuuna intaasi ku daray in Jaamacadda Carabta ay mar waliba garab taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana ay gacan ka geysaneyso dib usoo celinta nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya.

 

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa shaaciyay in si gaar ah Hay’adaha amaanka Soomaaliya lagala shaqeyn doon dhinaca sugidda amaanka iyagoona sidoo kale sheegay in deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah ay kala hadli doonaan sidii gar gaar loo gaadhsiin lahaa Soomaaliya.

 

Dhanka kale Ururka Jaamacadda Carabta ayaa balan qaaday in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan dhinaca Doorashooyinka islamarkaana kormeerayaal ka socda Ururka Jaamacadda Carabta ay imaan doonaan Soomaaliya.

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS