Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Sacad Cali Shire Oo loogu Baaqay In Uu Iscasilo Umada Reer Somalilandna Cafis Waydiiso! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Sacad Cali Shire Oo loogu Baaqay In Uu Iscasilo Umada Reer Somalilandna Cafis Waydiiso!
April 18, 2018 - Written by Editor:

Maxaad Yeeli lahayd Haddii Aad Tahay Wasiir Sacad Cali Shire Oo ay Dhacdo Fadeexadan Wayni?.

HARGAYSA(W,N) Prof Cabdi Cali Jaamac oo kamida Aqoonyahanka reer somaliland dhawaana iska casilay xilka Agaasimaha guud ee wasaarada Qorshaynta jsl ayaa ka dareen celiyay dhawaaqii kasoo yeedhay dawlada Imaraadka Carabta kaasi oo ay ku sheegay in heshiishka dekeda berbera ay Maamulka muqdisho kala sexeexdeen ayna taageersan tahay midnimadii somaliya

Hadalkan kasoo yeedhay madaxda emaraadka carabta ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda wixii ay madaxda somaliland shacabka u sheegi jireen taasi oo fadeexad ku ah qaranka somaliland iyo shacabkoodaba.

prof Cabdi Cali Jaamac

 

Aqoonyahan Cabdi Cali ayaa wasiirka Arimaha Dibada Sacad Cali Shire ugu baaqan in Uu iscasilo shacabka raali galin siiyo,

Prof cabdi cali oo barta uu ku leeyahay xidhiidhks bulshada ee  facebooga ku baahiyay qoraal kooban oo arimaasi kaga hadlayo ayaa udhignaa sidan;

Maxaad Yeeli lahayd Haddii aad Tahay Wasiir Sacad Cali Shire oo ay dhacdo Fadeexadan wayni.

Maanta oo kale anigu haddii aan ahaan lahaa Wasiir Sacad Cali Shire,Istiqaalad ayan dhiibi lahaa iyo waliba xaal-marin aan dadka waydiisto cafis; maxaa yeelay waxa dhacday Fadeexaddii Water gate.

Nasiib wanaag Sacad ma ihi sidaas darteed waxan ridanayaa waajibkayga oo ah Sidan :

Waxan halkan ku caddaynayaa maanta laga bilaabo inaan ka noqday r’ayigii teegaarada ahaa ee qaarkood qoraalada ahaayeen ee la xidhiidhay DP Wolrd, maadaama lay marin habaabiyay.

Noolaada,

 

Prof Cabdi Cali Jaamac

COMMENTS
LINKS