War Deg Deg Ah; Xukuumada Oo Hada Xabsiga U Taxaabtay Boqor Cismaan Buurmadow. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah; Xukuumada Oo Hada Xabsiga U Taxaabtay Boqor Cismaan Buurmadow.
April 19, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N)  Xukuumada Somaliland Ayaa Hada xabsiga u Taxaabtay Boqor Cismaan Aw maxamuud Buur Madow Oo kamida Madax-dhaqmeedka Somaliland.

Sida Qof Sugnaa Goobta Laga Qabtay Boqor Buur Madow uu u Xaqiijiyay Shabakada Wararka Ee Wajaalenews Ayaa Sheegay In Cambaaro 7;40 habeenimo Ee caawa Aya Ciidamo Xoogani Soo Galeen Gudaha Huteelka Maansoor oo uu ku Sugnaa Boqor buur Madow isla Markaana Ay xoog kaga qaadeen huteelka.

buur-madaw

  Inkasta wali Aanan si rasmiya u Ogaan goobta lagu xidhay iyo cida soo amartay xadhigiisa.

Xadhiga Boqor Buur madow ayaa lala xidhiidhinayaa hadal uu dhawaan ka jeediyay xaflad lagu caleemo saarayay beeldaajiye reer puthland ah oo ka dhacay deegaanka carmo ee boosaaso.

 

Wixii kasoo kordha Xadhiga Boqor Buur madow kala Wajaalenews

COMMENTS
LINKS