|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Maxkamada Gobalka Maroodi Jeex Oo Xukun Ku Riday Boqor Buurmadow
April 26, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N):- Maxakamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa shan sano oo xadhiga ah ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow), ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu ka hor yimid qaranimadda somaliland.
Markii uu dhacay xukunka lagu riday Boqorka ayaa waxa loo taxaabay xasbiga, halkaas oo uu uga bilaaban doono muddo shan sano ah oo uu ku xidhnaan doono.
dhawaan ayay ciidamada Booliska ee Magaaladda Hargeysa ka qabteen Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur madoow oo ku sugan mid ka mid ah hudheeladda hargeysa, Waxaana ay u taxaabeen xabsiga, hasayeeshee waxa maalin ka dib uu helay xorriyadiisii markii damiin ahaan lagu sii daayay.
Xukuumada Somaliland ayaa dhibsatay hadal uu ka jeediyay Degmada Carmo ee Puntland oo ay ka dhacaysay xaflad caleemo saarka madax dhaqameed cusubi, waxaanu wakhtigaasi sheegay in ay sidaan ogolaanshiiyo ay ka soo qaateen xukuumadda somaliland in ay ka hadlaan arrimaha masiiriga ah ee Somaliland. Related posts:Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Amartay In Xoriyadiisa Loo Soo Celiyo Siyaasi Muniir Iyo Taliyaha S... Muuse Biixi Oo Xalay Fiidkii Kulamo Xodxodasho ah La Yeeshay Odayaasha Iyo Siyaasiyiinta Beelaha Uu ... Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socda Baanka Aduunka. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|