War Deg Deg Ah: Guddida Fulinta Ee Xisbiga Waddani Oo Hada Xilkii Ka Qaadey Xoghayihii Guud Ee Xisbigaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Guddida Fulinta Ee Xisbiga Waddani Oo Hada Xilkii Ka Qaadey Xoghayihii Guud Ee Xisbigaasi
April 14, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Kulan ay maanta iskugu yimadeen guddida fulinta ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa ay xilkii iyo xubin nimadii ay kaga qaadeen xoghayihii guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Md Maxamed Cabdilaahi Uurcadey .

 

Sidoo kale Kulankan ay yeesheen guddida fulinta Xisbiga Waddani waxaa ka soo qeyb galay 36 xubnood , waxaana u codeeyey xil ka qaadistiisa 34 xubnood . 1 xubin waa ay ka aamustey , gudoomiyihuna muu codeyn.

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS