Todoba Maxbuus Oo Lagu Dilay Xabsi Maraykanka Ku Yaalla | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Todoba Maxbuus Oo Lagu Dilay Xabsi Maraykanka Ku Yaalla
April 17, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Toddobo maxbuux ayaa lagu dilay ugu yaraan 17 kalana dhaawac ayaa soo gaadhay ka dib markii ay rabshado ka dhaceen xabsi ku yaalla gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka, sida ay masuuliyiin sheegeen.

 

_100905616_6afa3869-f9aa-4816-b838-6d2004802684

Rabshadaha ayaa billawday Axaddii waxaana la soo afjaray saacadihii hore ee Isniinta.

 

“Arrintani waxay ku saabsanayd aagagga ay maxaabiistu ku kala xidhan yihiin iyo waxyaabo sharcidarro ah oo ay ku dhex iibinayeen, sida ay sheegeen masuuliin korka kala socota xaallada maxaabiista.

 

Dhimashada waxaa keenay toori la isla dhacay. Dhammaan waardiyeyaashii iyo shaqaalihii kale ee sharci fulinta ayaa la sheegay in ay nabad qabaan.

 

“Dadkan waxay isku hayeen lacag iyo xuduud iyaga oo xabsi ku jira” ayuu yidhi Bryan Stirling oo madax u ah waaxda dusha kala socota xaaladda maxaabiista South Carolina.

 

Muran iyo buuq siddeed saacadood qaatay ayaana sababay in 17 ruux oo dhaawac ah xabsiga laga saaro si isbitaallada loogu soo daweeyo, toddobo kale ayaana dhimatay, sida ay waaxdaasi xaqiijisay.

COMMENTS
LINKS