|
|||||
WAJAALE NEWS
Toddoba Arrimood Ka Ogow Dalalka Barwaaqo Sooranka
April 17, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N):- Hoggaamiyeyaasha dalalka ka tirsan ururka Barwaaqo-Sooranka ayaa ku shiraya magaalada London.Halkan ka ogow toddobo arrimood oo ku saabsan ururkan ay ku midoobeen dalalkii Ingiriiska uu gumaysan jiray: 1. Wuxuu mideeyaa saddex meelood hal meel dunida dadka ku dhaqan2.4 bilyan oo qof ayaa ku nool dalalka Barwaaqo-Sooranka oo ah 53 dal. Intooda badan dadkaasi waxay da’doodu ka hoosaysa 30 sano. Waddanka ugu dadka badan dalalkani waa Hindiya oo ay ku nool yihiin in ka abdan 1.3 bilyan oo qof. Balse 31 ka mid ah dalalka ka tirsan ururka Barwaaqo-Sooranka ayaa waxaa ku nool dad gaadhayo 1.5 milyan oo kali ah. 2. Dalalka qaar waligood kama tirsanayn boqortooyada Ingiriiska
Dalalkaaa Rwanda Iyo Mozambique waxay kusoo biireen ururkani 2009-kii iyo 1995-kii kuma jiraan dalalka uu Ingriiska gumeystay. Sannadkii 2003 ,Madaxweyne Robert Mugabe waxaa dalkiisa Zimbabwe laga hakiyay xubinnimada ururka Barwaaqo-sooranka kaddib markii ay soo ifbaxeen warbixinno sheegayay in doorashada lagu shuubtay. Dalka Pakistan ayaa laga joojiyay xubinnimada ururka sannadkii 1999 ka dib inqilaab millatari oo dalkaasi ka dhacay, balse afar sano iyo badh kaddib dib ayaa loogu soo celiyay. Dalka koonfur Afrika ayaa sannadkii 1961 ka baxay kamid ahaanshaha ururka Barwaaqo Sooranka kaddib markii uu ku eedeeyay dalalka ka tirsan ururka inay tageerayeen nidaamkii midabtakoorka balse sannadkii 1994 ayay Koonfur Afrika dib ugu soo laabatay ururka. Dalkii ugu dambeeyay ee ka baxa xubinnimada ururka Barwaaqo-Sooranka ayaa ahaa dalka Maldives sannadkii 2016. 3. Boqoradda ayaa madax u ah 16 dal oo kaliya ahInta badan dalalka ka tirsan Barwaaqo Sooranka ayaa ah jamhuuri halka lix oo kali ah ay leh boqortooyo u gaar ah, waxaana ka mid ah; Lesotho, Swaziland, Brunei Darussalam, Malaysia, Samoa iyo Tonga. 4. waxaa isugu yimid dal waawaynDalalka ka tirsan uruurka waxay ku fadhiyaan afar meelood hal meel baaxadda dhulka dunida. Waddanka ugu wayn waa dalka Canada,oo ah dalka labaad ee dunida ugu wayn. Hindiya Iyo Australia ayaa iyagana ah dalal waawayn. Dalalka yar ee ka tirsan Barwaaqo-sooranka waxaa ka mid ah dalalka dhaco jasiiradaha badda Pacific sida Nauru, Samoa, Tuvalu, Vanuatu, iyo dalalka kale oo ku yaalla badda Caribbean-ka sida Dominica, Antigua iyo Barbuda. 5. Magaca Ururka ayaa la beddalayMagaca hadda jira ayaa waxaa la casriyeeyay sannadkii 1949 waxaana laga saaray ”Britian” iyo qodob dhigayay in daacad loo noqdo boqoradda. Labo qof oo kaliya ah ayaa madax ka soo noqday ururka waxyna kala yihiin King George VI iyo Queen Elizabeth II. Waddamadii sameeyay ururka Barwaaqo-Sooranka waxay kala yihiin Australia, Canada, India, New Zealand, Pakistan, South Africa, Sri Lanka iyo boqortooyada Ingriiska oo sameeyay ururka ay ku buhoobeen dalalka ”madaxa bannaan” Ururka Barwaaqo-Sooranka ma lahayn wax dastuur ah illaa laga sameeyo sannadkii 2012 taaso dalalka ay isku raaceen samaynta 16 mabaadi’i oo kala ah dimuqraadiyadda, Sinnaanta jinsiyadaha, ka shaqaynta horumaro joogta ah, ammaanka iyo xasilloonida caalamka. Ururka Barwaaqo sooranka ayaa lagu xantaa inuusan saameyn lahayn, sidaas darteed ayuu dalka Gambia sheegay 2013 inuu ka baxay oo ku tilmmaamay urur taabacsan fikradaha guumaysiga. Dadka taageersan urukani waxay sheegeen in dalalka xubnaha ka ah ay tiigsanayaan inay gaadhaan horumar iyo iskaashi caalami ah. Xoghayaha ururka waxaa uu sheegay in dalalka ka tirsan ururka ay dadaal ugu jiraan horumarinta iyo difaacidda dimuqraadiyadda sii loo qaddariyo kala duwanaanshaha dadka iyo shacabka. 6. Dalka UK ayaa ah xubinta ugu dhaqaal weynDalka Hindiya waxay u badan tahay inuu galo kaalinta koobaad ee dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan ururkan, sanadka soo socdo horraantiisa. Dalka UK ayaa alaabaha u dhoofiyay dalalka xubnaha ka ah ururka barwaaqo-sooranka 2016, waxay u dhigmaan qiyaas ahaan kuwii uu u dhoofiyay dalka Jarmalka isla wakhtigaas. 7. Barwaaqo sooran kale ayaa jira
Waxaa jira urur kale oo ay ku bahoobeen dalalka uu gumaystay Faransiiska. waxaa sidoo kale jira urur kale oo ay ku midoobeen dalal kale oo madax bannaan balse horay uga tirsanaa Midowgii Soviet.
XIGASHO, BBC COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|