|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Been-Abuur ku Tilmaamay Warar Sheegaya In Ciidan ka Goostay.
April 30, 2018 - Written by Editor:Hargeysa(W,N) – Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay, wararka arrinkaa la xidhiidhana yihiin kuwo la been-abuuray. Qoraal caawa ka soo baxay xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shabakada SomalilandSpan ayaa u dhignaa sidan: Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland waxuu caddaynayaa inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay, isla markaana wararka lagu faafiyey warbaahinta qaarkood ee sheegaya in Ciidamo ka tirsan Somaliland u goosteen maamul-goboleedka Puntland yihiin kuwo la been-abuuray. Waxaan caddaynayaa in warka sheegaya ciidan ka goostay Ciidanka Qaranka Somaliland, keliya xaqiiqda ku jirtaa tahay nin lagu magacaabo Cabdillahi Cabdi Cali (Gacan), balse, isagana sannad horteed dembiyo uu galay awgii looga saaray Ciidanka Qaranka, oo laftiisa iyo cid-walbana ogtahay, laakiin, aanu jirin askari kaloo ciidanka Qaranka Somaliland ah oo meel kale tegay. Waxaan ummada Somaliland u xaqiijinaynaa in dhamaan xubnaha Ciidanka Qaranka Somaliland ku sugan yihiin rugahoodii, iyagoo gudanaya waajibaadkii ka saaran difaaca sharafta dalkooda JSL. Qoraalkan ka soo baxay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland ayaa meesha ka saaraya warar warbaahinta qaarkood ku sheegayeen in Ciidanka ka tirsan Somaliland u goosteen Puntland.
Related posts:DAAWO;-Xisbiga Wadani Oo Gudida Ka Hortaga Covid19 Ku Eedeeyay In Ay Lunsadeen Dhaqaalihii Lagu Caaw... Madaxweynuhu Ma Sii Wadi Karo Dalka Sanadka U Hadhay Oo Ha Is Casilo,Waxani Waa Wax Yaabihii Laysku ... Nuxurka Laba Dhambaal Oo Ay Guddoomiye Saleban Iyo Gudoomiye Cirro Isu Direen Bilowgii khilaafka Mas... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|