Soomaaliya Oo Martigalin Doonta Shir Caalami Ah Oo Ku Saabsan Joojinta Ka Ganacsiga Dhuxusha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaaliya Oo Martigalin Doonta Shir Caalami Ah Oo Ku Saabsan Joojinta Ka Ganacsiga Dhuxusha
April 27, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N)– Waxaa lagu wadaa in  7-da Bisha May ee foodda innugu so haysa la iclaamiyay shir Caalami ah oo ku saabsan joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee Dhuxusha.

2018427636604093204485489Dhuxul-guban

 

Kulankan oo ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya,ayaa waxaa kasoo qayb geli doona khabiirro ku xeel dheer degaanka, Qaramada midoobay laanteeda degaanka iyo waaxdeeda horumarinta,  deeq bixiyayaasha caalamka, hay’adda Cunnada Adduunka ee FAO iyo xubno kale oo ka socda Beesha caalamka.

 

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay noociisa ah ee lagu qabto Muqdisho oo ah mid muhiimaddiisa leh, kaaso looga gol leeyahay in lagu joojiyo ka ganacsiga sharci darrada ah iyo soo saarista iyo adeegsiga aan habbooneyn ee Dhuxusha dalka Soomaaliya.

 

Kulanka oo socon doono muddo labo Maalmood ah waxaa gacan ka geysanaya hay’adda horumarinta ee Qaramada midoobay (UNDP), hay’adda QM u qaabilsan degaanka, iyo hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada midoobay (FAO), waxaana maalgelinaya Midowga Yurub, Dowladaha Sweden iyo Talyaaniga.

 

Dhoofinta dhuxusha ee Soomaaliya waxaa lagu mamnuucay qaraarka 2012 ee uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale Dowladda Soomaaliya, iyada oo loo sababeynayo saameynta xun ay ku leedahay deegaanka, iyo sii hurinta colaadda iyo dhibaatooyinka Bani’aaddinimada.

 

Soomaaliya gudaheeda waxaa la jaray 8.2 milyan oo Geed intii u dhaxeysay 2011 ilaa iyo 2017-kii, taasi oo sare u qaadday nabaad-guurka iyo Cunno yarida, isla markaana ganacsiga sharci darrada ah ee Dhuxusha.

Kulankan oo ay hormuud ka tahay Dowladda Soomaaliya waxaa looga gol leeyahay in si degdeg ah lagu dhiso isbahaysi u dhaxeeya waddamada loo dhoofiyo Dhuxusha, khabiirrada caalamiga ah , kuwa maxalliga ah iyo deeq-bixiyeyaasha.

 

Waxaana kulankan looga gol leeyahay in loogu ololeeyo taageero, si loo qaado tallaabo wax ku ool ah, oo ay ka mid yihiin in la helo iskaashi iyo maalgashadayaal caalami ah, si Soomaaliya looga joojiyo ganacsiga sharci darrada ah, isla markana loo xoojiyo howlaha socdo ee lagu dhisayo hab-nololeed iyo il-tamareed ka duwan.

COMMENTS
LINKS