Shidaalka Wasakhaysan: Waxyeelladii Igu Sigtay Caawa Waddada Wadnaha Hargeysa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shidaalka Wasakhaysan: Waxyeelladii Igu Sigtay Caawa Waddada Wadnaha Hargeysa!
April 29, 2018 - Written by Reporter:

Cid kii hagaagsanaa haysaana ma jirto. Nasiibkiinna aad ka qaaddaane, ma idiinku shubnaa?”. Kolka sidaas warka daaha looga qaado kuma dhibo

Marka horeba gaadhi yara duug ah baan watay. Ciyaalka magaaladu “waa qoroqoro” ayay yidhaahdaan. Kuwa kalena “Iska beddel” bay ku hadaaqaan. “Naga baydh, qurux badanaa” ayaan qaar ka maqlaa. Laakiin dano kale ayaan ku qabaa.. Weydiin badan oo iman lahayd haddii uu cusub yahay ama la bilana waan kaga nastaa.

Caawa caweyskii, abbaaro 09:30 ayaan ka soo dhaqaaqay waageerka Isgoyska Togdheer si aan xagga xaafadda u aado. Kaalin dhexe ayaan ku laabtay si aan dhawr litir ugaga sii shubto. Kuba weecan lahaydee. “Imisa ayaan ku shubaa?”. “Intaas”. “Waa Jabuutaawigii fiicnaa” ayuu yidhi. “Lacagtu waa immisa?” “Intaas”. “Ka eeg moobilka” “Waan hayaa, iska soco” “Haye” ayaa aannu is-dhaafsannay

Beryahanba waa aan maqlayay in shidaal qashin ahi magaalada soo galay. Kaalmaha qaar ayaa odhan jiray “magaalada la isma dhaamo. Cid kii hagaagsanaa haysaana ma jirto. Nasiibkiinna aad ka qaaddaane, ma idiinku shubnaa?”. Kolka sidaas warka daaha looga qaado kuma dhibo. “Haa, ku sii daa” ayaanu nidhaahnaa.

Caawa se wax ayaa la ii muuseeyay. Wax koobaniba ha ku jiraane, si san ayuu u karaar-qaadanayay. Imaka se kaas uu “Jabuutaawiga” ku sheegay ayaa arligii dhooqeeyay. Xitaa dalkaygii Jamhuuriyadda Jabuuti ayuu burush xaar leh mariyay oo fadeexadeeday. Ma baansiin noocan ah ayaa laga keenaa waddanka aynu walaalaha iyo jaalka nahay?

Moodharku dirqi ayuu ku dhaqaaqayaa, kolalna waa uu istaagayaa. Haddii aad inyar u hakato cidhiidhiga baabuurta, waxa adkaanaysa in uu taayirka rogo. Miyuu fadhiistaba, ma aniga ayaa Soodaanta keenay?. Wallee Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ayaa riixi lahaa. Wax kale kuma garatide, waxa aan ku biiray liiska dhibbaneyaal aan qaarkood warkooda kala socday Facebook inta aanay waxyeelladu i saamaynnin. Si luudaysa ayuu gurigii ku soo gaadhay.

Tayada raashinka cidi ma eegto, dawooyinku waa ay iska soo degaan, weliba si tayo liidata ayay qaar codsadaan in loogu sameeyo… Cabbitaannada yaa hubin karaba.. Dharka iyo waxaasina waa ay hadal daayeen. Sannadkii 2015ka ayaa la sheegayay in $1.5 milyan doollar lagu bixiyay soo iibinta agab lagu hubiyo tayada shidaalka. Mooyi meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Ilaahay baa xisaabin kuwii dhaqaalahaas lunsaday ee sidii dhallaanka nagu sabay dhalanteedka.

Waxa aanu ku noolnahay duni sidii Nebi Aaden kaga dhintay wax yar laga qabtay. Haa, dee. Halkan ayay awowyaashu sidaas ugu noolaayeen illaa Sheekh Isaxaaq Binu Axmed. Inta aan ogahay malaha aniga iyo aabbahay ayaaba Afrika iyo Aasiya diyaarado u raacnay. Walaw aan dhoofi karayo, haddana mooyi wax i dhigay. Saw halkan kuma dhalan, kuma dhalin, umana dhalan. Miyaa aan meel kale la qabsan karayaa?

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maalintii Hakisa (Khamiis) sooyaalkuna ahaa 26kii Abril 2018ka waxa lagu falanqeeyay hantaaqada bulshada ka soo gaadhay shidaalkaas liita ee dalka loo soo dhoofiyay, waxa aynu eeggi tallaabooyinka ay xukuumaddu ka qaaddo budhcadda dalka keentay il-tamareedkan xabagta ah. Sidii ay bacdu isugu mari jirtay xiidmaha neefka cuna ayuu hadhaaganina isugu duubayaa mishiinkii gaadhiga. Muhiim ma aha in aan sheego magaca kaalinta shidaalka, haddii se aan helo cid irridaha isugu laabaysa oodda ayaan ka qaadi.

Waxa kale oo dhammi waa salleelo. Waxa aan ku Alle-baryaa “Guullow ha nagu keenin xanuun dalka gudihiisa wax lagaga qaban kari waayo”

 

W/Q:  Siciid Maxamuud Gahayr

 

COMMENTS
LINKS