|
|||||
WAJAALE NEWS
Saraakiil Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Gaalkacyo
April 28, 2018 - Written by Reporter:Galkacyo (W,N):- Taliyaha ciidammada isku dhafka ee gobolka Mudug ayaa ku dhintay qarax Goordhawayd ka dhacay magaalada Gaalkacyo, Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye.
Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidammadaasi militariga ah, Cabdiqani Axmed Geyre.
Inta la xaqiijiyay illaa seddax askeri oo kale ayaa qaraxaasi lagu dilay. Sidoo kale dad rayid ah ayaa loo maleynayaa in qaraxaasi ay ku dhinteen. Waxaana Sadex qof oo ku dhaawacmay loola cararay cisbitaalka magaalada.
Wararka waxay sheegayaa in qof waxyaabo qarxa isku xidhay in uu ka dambeeyay. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa.
Ciidammada isku dhafka ah waa askar laga kala keenay maamullada Puntland iyo Galmudug oo si wada jir ah uga howlgala magaalada Gaalkacyo. Related posts:Maxkamada Sare Ee Punthland Oo Xukun Dil ah Ku Riday Ragii Kufsiga Iyo Dilka Ugaystay Marxuum Caash... Ciidanka Booliska Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay Haweenay Ku Kacday Fal Noociisu Ku Cusub Yahay Somalil... Daawo:Wax Ka Baro Wadanka Aduunka Ugu Yar Badkiisu Waa 160 km Square,Tirada Dadkiisa 37000 iyo Cii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|