Sacuudiga Oo Markii Ugu Horeysay Dumarka U Qabtay Tartanka Baaskiilka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sacuudiga Oo Markii Ugu Horeysay Dumarka U Qabtay Tartanka Baaskiilka
April 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Dumar reer sacuudi ah ayaa ka qeyb qaatay tartan baaskiileedkii ugu horreyay ee loo qabto dumarka sacuudiga kaas oo dad badan ka yaabiyay, dhanka kalana baraha bulshada ayaa aad looga hadal hayaa arrintan.

 

_100844403_160e7af0-fcf0-443e-9285-92b4e5dd2370

Dumarka wada baaskiillada ayay u suura gashay in ay ka qeyb qaataan tartanka maalintii talaadada ahayd lagu qabtay magaalada Jidda.

 

Tartankaan oo 10 kiilo mitir ahaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay 47 dumar ah, waxaana tartankaan soo abaabulay koox la magac baxday “noqo qof fir-fircoon” iyo dowladda.

 

Warbxin ay warbaahinta maxalliga la wadagtay Nadima Abu al-Enein oo ah qabanqaabiyaha tartankaan ayay ku sheegtay.

 

“Dumarka badan ee ka soo qeyb galay tartanka awgeed ayaa waxa ay guddiga qaban qaabada u ogolaatay in ay kordhiyaan tirada dadka ka qeyb qaadanayo tartanka taas oo markii hore ahayd 30 balse markii dambe la gaadhsiiyay ilaa 47 gabdhood,” ayay tidhi. Si kastaba ha ahaate, guddiga ayaa weli ku khasban in ay qaar kale oo rajeynayay tartanka laga reebo.

 

Inkastoo tartankan falcelin wanaagsan ka helay helay barta Twitter-ka hadana qeybaha kala duwan ee bulashada aya dhaleeyceeyay.

 

Qof ka mid ah dadka barta Twitter-ka isticmala ayaa yidhi ” aniga sheikh diinta ku xeel dheer ma’ihi balse maahan in dumarka ay baaskiil ku dhex wadaan meel shaarac ah oo ay cawradooda u muujiyaan ragga. Haddi ay gabadhu dooneyso in ay baaskiil waddo waa in ay meel aan shaarac ahayn ku waddaa.”

 

Qofkale ayaa yidhi ” shanta ama tobanka sano ee soo socota, dumarka hadda baraha bulshada ku naqdinaya tartanka ay ka qeyb qaadan doonan tartanno kuwaan la mid ah ama ay ka soo xadiri doonan goobaha lagu qabanayo tartannada oo ay taageerayaal noqon doonan.”

 

Maamulka Sacuudi Carabiya ayaa 2013kii amar ku bixiyay in aan dumarka loo ogolanin inay baaskiil ku wadaan goobaha lagu nasto.

 

Maalintii Isniinta ahayd ayaa waxaa lagu dhawaaqay in magaalada Jiddah laga dhisi doono shaneemadii ugu horreysay ee laga hirgaliyo dalka Sacuudiga,iyadoo uu wadanka isku diyaarinayo hiigsigiisa 2030-ka oo isbedel badan lagu sameyn doono bulshada.

COMMENTS
LINKS