Ruushka, Suuriya, Iran Oo Ka Jawaabay Duqaynta Reer Galbeedka Ee Dalkaas | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ruushka, Suuriya, Iran Oo Ka Jawaabay Duqaynta Reer Galbeedka Ee Dalkaas
April 14, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Danjiraha Ruushka u fadhiya dalka Maraykanka ayaa digniin uu bixiyey ku sheegay in cawaaqib ka dhalan doonaan weerarka lagu qaaday Suuriya.

_100851506_89b165e1-9029-45d4-9b7d-9711ded31552

Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in weerarkani dhacay iyada oo fursad ay Suuriya nabadi kaga dhalan kartaa soo dhawaatay.

Saraakiil Ruush ah oo Moscow joogaya ayaa sheegay in gantaalaha Suuriya lagu duqeeyey ku dhaceen meelo u dhaw goobo ku dhaw meelaha fadhiisimada u ah ciidamada Ruushka ee ku sugan Suuriya oo ay yaallaan gantaalaha difaaca cirku.

Xukuumadda Suuriya iyo Iran oo ah dal ay gacan saar leeyihiin ayaa iyaguna sheegay in weerarada wada jirka ah ee dalkaa lagu qaaday yihiin kuwo xad gudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Iran ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa ku dhaliishay qar iska xoornimo, waxa aanay intaa ku dartay in ay iyagu qaadi doonaan masuuliyadd cawaaqibka ka dhasha weeraradaas.

Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa ku warantay in weerarka lala beegsaday xarunta cilmi baadhista Dimishiq uu khasare kooban gaadhsiiyey goobtaa, hase yeeshee ay weeradda Xums ku dhaawacmeen saddex qof oo rayid ahi.

Wararka kale ee ka imanaya Suuriya ayaa qaarkood tibaaxayaan in goobo milatari oo ay ku jiraan xarumahaas weerarada lagu qaaday, todobaadkan horraantiisii laga daabulay saanaddii taalay.

COMMENTS
LINKS