Qarax Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
April 6, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) – Qarax loo maleynayo in uu ahaa Ismidaamin ayaa goor dhawayd ka dhacay Wadada gasha Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.

 

Qaraxan oo loo adeegsaday gaadhi wax-yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Barta-Kontorool ee ciidamada nabad Sugidda Soomaaliya ay ku leeyihiin halkaa.

201846636585924296301535DaF3pAzUQAI6upX11111

 

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa loo adeegsaday  NOAH oo uu kaxeynayay nin isa soo miidaamiyay.

 

Qaraxan ayaa lagu soo beegay xili inta badan dadku ay ku jireen Salaada Jicmaha, inta badana goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa aheyd mid aysan dad badan ku sugneyn.

 

Lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxan oo siweyn dhawaqiisa looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

COMMENTS
LINKS