|
|||||
WAJAALE NEWS
Noolaynta Bisha La ilaabay Ee (Shabcaan) Qaybtii 2aad
April 22, 2018 - Written by Reporter:Maqaalka qormadan oo ah qaybtii labaad ee maqaalada aynu ku noolayn doono bisha in badan oo dadka muslimka ahi moogan yihiin ee SHACBAAN!
Waxaynu ku eegi doonaa qormadan casharo aan ka bartay quraanka kariimka ah. Ugu horeyn Quraanku waxa uu ka mid yahay acmaasha ugu wanaagsan ee lagu noolayn karo bishan , looguna diyaar garoobi karo bisha barakaysan ee Rammaddan. Sidaas darteed waxaynu soo qaadan doonaa xadiis rasuulka ka sugan oo ka digaya in ay soo bixi doonaan “dad ummaddisa ka mid ah oo Quraanka u cabaya sida uu qofku u cabo caanaha oo kale”. Macnaha xadiiskan ayaa ah inay soo bixi doonaan dad keliya quraanka akhriya . Dadkaas oo ka tegay ama ilaabay barashada macnihiisa , inay casharo ka bartaan dhacdooyinka ama sheekooyinka ku soo arooray , waanooyinka ku soo arooray inay weeleeyaan , inay xukunada ku soo arooray fuliyaan ,IWM. Sidaas awgeed waxaynu soo qaadan doonaa AAYADO quraanka kariimka ah oo aynu macnayaashooda iyo casharada ku duugan aynu wax ka tilmaami doonaa.
SUURATUL FAATIXA5 Aayadani waxaynu ka faa’idaysan karnaa :
ISTUSNIMADU waxay keeni kartaa inay cibaadada aynu la imanaynaa aanay noqon ALLE dartii . Dawada aynu kaga bixi karno ama kaga hortagi-karno waxaay tahay : اياك نعبد
ISLA-WEYNIDAama KIBIRKAoo macnaheeda ay ka mid tahay inuu qofku moodo in aqoontiisa , awoodiisa ama lacagta uu haysto uu ku kaaf-toomi karo. Dawada xanuunkan waxaynu kaga hortagi karnaa ama ku dawayn karnaa : اياك نستعين Taas oo macnaheedu yahay ALLAW adigaanu kaalmo iyo caawimo kaaga baahan nahay arrimahayaga Adduun iyo Aakhiro , si kasta oo aanu aqoon , maal ama awood u haysano marna kama maarmi karno kaalmadada.
Suuratul FAATIXAruntii waa suurad u baahan inaynu barano macnayaasha balaadhan ee ku duugan. Sidaas darteed aynu ka dhagaysano barashada macnaha suuradan culimada.
SUURATUL BAQARA 127 – 128 Labadan aayadood waxa uu ALLE kaga waramayaa xaaladii ay ku sugnaayeen Nabi IBRAHIM iyo Nabi ISMACIL markay dhisayeen kacbada. Xaaladaas oo ahayd mid ay ALLE ka baryayeen inuu ka aqbalo camalkan si bulshada muslimkuna uga faa’idaystaan goobtan barkaysan , kana cabsanayeen in ALLE ka aqbali waayo camalkaas! Sidaas darteed labadan aayadood waxaynu ka faa’idaysanaynaa :
SUURATUL BAQARA 199 Qaybta dambe ee aayadan waxay ina amaraysa inaynu ALLE dembi dhaaf weydiisano marka aynu camal la nimaadno. Marka koowaad waxa wanaagsan in qofku marka uu cibaado la yimaado inuu ALLE ugu mahadnaqo sida uu u waafajiyay la imaanshiyaha camalkaas. Tusaale ahaan haddaad adigu salaada ilaaliso , imisa qof ayay ku adag tahay ilaalinteedu ? Marka labaadna waainuuALLEka baryo inuu u dembi-dhaafo.Tusaale ahaan nabi MuxamedSCW marka uu salaada ka baxo wax uu ku xig-siin jiray inuu yidhaahdo ALLAW ii dembi-dhaaf saddex jeer. Sidaas darteed qofka la yimaada mahadnaqaas iyo tawbadaas waxa uu u dhaw yahay in camalkiisa la aqbalo , lana waafajiyo camalo kale . Aayadani waxay sidoo kale ka digaysaa inaanu qofku la dhicin ama aanu cajabin camalka uu la imanayo.
SUURATUL YASIIN 12 Aayadani waxay ka waramaysaa in waxa aynu samayn jirnay wakhtigaynu noolayn iyo raadka aynu ka tagnay ay yihiin qaar qoran oo la inagu abaalmarin doono. Aayadan waxaynu ka baran karnaa: In qof-kasta oo adduunyadan ku nooli uu raad ka tagi doono. Raad-kaas oo noqon kara mid wanaagsan , xun ama labadaba. Raadkaas oo ay ka mid yihiin hadalka, dhaqankaiyo akhlaaqda. Tusaale ahaan qofka caruur wanaagsan ka tagaa waxay sabab unoqon doonaan in waalid-kood jannada darajooyin kor loogu qaado dembi-dhaafka ay ALLE waalidkood u weydiiyeen dartii. Tusaale kale qofka ceel qoda , masjid dhisa ama aqoon ka taga , iyaguna waa qaar raad wanaagsan ka tagay oo ALLE agtii loogu keydin doono. IBNU QUDAMA ayaa la weydiiyay qofka liibaanay waa kuma ? Markaas ayuu ku jawaabay waa qofka marka uu geeriyoodo aanu ajarkiisu joogsan! Sidaas darteed waa in aynu ku dedaalno inaynu raad wanaagsan ka tagno. Iskana ilaalino in raad xun inaga hadho.
Acmaasha la samayn karo bishan ee naftana lagu leylin karo inta aanay rammaaddan soo gelin waxa ka mid ah:
Gunnaanadka maqaalka waxaynu ku soo koobaynaa in aynu si xeel-dheer u barano Quraanka macnihiisa iyo casharada ku duugan. Marka labaad waa in aynu ku dedaalo inaynu sifayno kana fee-jignaano xanuunada ku dhaca qalbiga sida IS-TUSNIMADA iyo ISLA-WEYNIDA. Waayo qalbigu waa meesha keliya eeALLE ka daalacdo addoonka. Marka saddexaad waa in marka aynu camal la imanayno aynu ku jirna laba xaaladood : xaalaad rajeynah in la inaga aqbaloiyo xaalad ka wer-werid ah in la inaga aqbali waayo. Sidoo kale marka aynu camal wanaagsan la nimaadno waa inaynu ka ALLE uga mahadnaqnaa inuu ina waafajiyay camalkaas , kana tawbad keenaa wixii gaabis , gefaf , moo-ganaan , IWM ee inaga dhacay intaynu camalkaas ku guda jirnay. Ugu dambeyntiina waa inaynu ku dedaalo , ALLENA ka barino inuu raad wanaagsan inaga reebo , kana magan-galno inuu raad xun inaga reebo.
F.G Maqaalka qormadani kama turjumayo aqoon aan u leeyahay cilmiga TAFSIIRKA , balse keliya wuxuu dhiirigalinayaa barashada cilmigan qaaliga ah ee TAFSIIRKA.
Maqaalkan waxaan ka soo qaatay : تفسير السعدي تهذيب مدارج السالكين http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=231634 https://twitter.com/almonajjid/status/801402547772723204?s=20
Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labadatoddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|