Nin Soomaali Ah Oo Qorshaynayay Dilka Boqorada UK Oo Xukun Lagu Riday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin Soomaali Ah Oo Qorshaynayay Dilka Boqorada UK Oo Xukun Lagu Riday
April 7, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Maxkamad ku taalla dalka Britain ayaa shaacisay in xukun lagu riday muwaadin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu qorsheeynaayay in uu ku biiro Kooxda Daacish, islamarkaana uu dilo boqoradda dalka Ingariiska.

 

Muwaadinka Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Aweys Shiikheey oo haysta dhaalashada dalka Holland ayaa kasoo hormuuqday maxkamad ku taalla London, waxaana la sheegay in weerarkii lagu dilay rabay  Boqorada Ingiriiska, Queen Elizabeth II, iyo ra’isal-wasarihii hore ee UK, David Cameron ay Fashiliyeen Sirdoonka UK, Aweys Shiikheey oo 38-jir ah ayaa lagu xukumay 8 Sano oo xabsi ah.

Booliska UK ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in Aweys ay tashkiilisay haweeynay Soomaaliyad ah oo lagu magacaabo Raaqiya Xusseen,islamarkaana ay u ballan qaaday in ay guursan doonto hadii uu ku biiro Kooxda Daacish.

Martin Edmunds  oo ah Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in dadka doonaya in ay dilaan madaxda ee weeraradooda laga hortaggo ay mudeysan doonnaan xukunka Aweys oo kale.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay ku daba jiraan Soomaali kale oo lagu eedeeyay in ay la socdeen falka lagu soo eedeeyay Aweys Shiikheey.

COMMENTS
LINKS