Muranka ka Taagan Buuxinta Kursigii Golaha Wakiillada Ee Uu Ka Baxay Marxuum Ibraahim-kacaan Iyo komishanka Oo La Sheegay In Ay Qoraal Ugudbiyeen Maxkamada Sare. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muranka ka Taagan Buuxinta Kursigii Golaha Wakiillada Ee Uu Ka Baxay Marxuum Ibraahim-kacaan Iyo komishanka Oo La Sheegay In Ay Qoraal Ugudbiyeen Maxkamada Sare.
April 25, 2018 - Written by Editor:

Ma Dhab Baa In Komishanku Maxakamadda Sare U Gudbiyey Magacyada Saddex Xubnood Si Ay U Soo Kala Saaraan Cidda Buuxinaysa Jagadan?

Hargeysa (W,N) – Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaan weli soo Saarin cida buuxinaysa Kaalintii uu banneeyay Marxuum Ibraahim Axmed Haybe Kacaan oo dhawaan ku geeriyooday Hargeysa, kana Tirsanaa Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee ugu jiray xisbiga Kulmiye.

xubnaha-komishenka-doorashada

Kaalintan ayaa waxa u taagan buuxintiisa Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamed Muuse Abees oo tiro ahaan isku xiga. Sida Aanu kasoo xiganay ilo wareedyo u dhuun-daloola guddida doorashooyinka Somaliland ayaa tibaaxay   in Komishanka Doorashooyinku ay Maxkamadda u gudbiyeen magacyada saddex xubnood  iyaga oo   dalbaday in ay saddexdaas xubnood oo dabcan aan magacyadooda  warbaahintu helin balse ay ilo wareedyadu tibaaxayaan in uu Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamed Musue Abees kamid yihiin ay  u soo kala saaraan cidda buuxineysa kaalinta Xildhibbaanimo ee ka banaan Golaha Wakiilada Somaliland.  Lama garanayo sababta dib uu muranka kursigani Ugalay Maadaama ay Dhawaan Komishanka Doorashooyinka,   markii murankani soo shaac baxay ayaa warar aan lahubi  ay sheegeen in Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid   uu yahay shakhsiga buuxinaya kaalintii Marxuumka ee golaha wakiillada taasi oo mudo gaaban hoos  udhigtay   buuqii iyo hadal hayntii ku gadaanayd hase ahaatee arrintan ayaa wararku tibaaxay inay noqonayso muranka oo dib u istaadhma.

 

XIGASHO ; WARGAYSKA HUBAAL MEDAI

COMMENTS
LINKS