Muj Cali Guray Oo ka Hadlay Taariikhda Dahabiga Ah Ee Marxuumad Sahra Axmed Jaamac Iyo Xusuusta Heesta “Hargaysaay” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Oo ka Hadlay Taariikhda Dahabiga Ah Ee Marxuumad Sahra Axmed Jaamac Iyo Xusuusta Heesta “Hargaysaay”
April 5, 2018 - Written by Editor:

“Weliyaa Dhiskaagiyo Dhidibkaaga Taagay” Waxayna Baday.

1986kii Oo Aan SNM Ahaa Taliye Ururna ahay ayaa Goor fiid ah Aniga iyo dhawr kale oo god xerada dhexdeeda ku yaalay ku Qayilayna ayuun baa waxa daf noo soo yidhi Sheekh AHN eh Yussuf Cali gurey Sheekh Madar. Adigu Isku Yaacyaacnay oo Gogashiisa way u duubnayde laba mujaahid oo dhego fudud baan markiiba idhi hadaanan inaga tiiriya oo godka inaga salaxa oo tagfidiisa inaga rusheeya, dab soo shida, shaahu yuu kala gu’in caawa marti culus baa inaga soo dul dhacday oo hurdo ma jirto ee waa khalaawe eh aan la hadhno ducada. Aniga gaar Ahaan Sheekha wax gaar ah baan naga dhexeeyay oo wuxu ahaa Sheekhaygii( murabbigaygii) ii laqimay Baabul Suufiga. Waxa kale oo ila sii fadhiyay Sh. Axmed Sheekh Koosaar Cilmi-daad. Alla yarxmu eh saaxiibkay Axmed Sheekh Jaamac Sabban ayaa isaguna xaadir ahaa. Waa xertii Sheekh madar oo saafi ah.

cali yy

Cajeled baa maalintaa aanu nin jaadle ah ka qaadnay ay ku jirtay heesta Hargeysaay Ha Dheeliyin oo Zahra Axmed Qaadaysay laakiin nasiib darro aan dhamayn. Markii kabash-kabashti dhamaatay sheekhiina kala degey cashadiina aan Tuulada uga dalbay eey kala miirantay ayuunu cajaladii ku Tuurnay oonu nidhi bal sheekh maanta cajalad hees Hargeysaay Ha Dheeliyin la yidhaa baanu helay oo cajiib ahe nala dhegeyso. Xataa ma ogin markaa inay dhan tahay iyo in kale. Walle markii sadexaad Eenu ugu celinay ayuu markay tidhi:

DHUL ILAAHAY JECEL YAAD

DHAADASHADA KU RAACDOO

WAXAD DHIIG KU LEEDAHAY

DHOOBADA MADIINO

ay marayso

WELIYAA DHISKAAGIYO

DHIDIBKAAGA TAAGAY

Ayuu Sheekh Yuusuf Ilma ragax ka siiyay. Sheekh Axmed Sheekh Koosaar baa markiiba hoos ii yidhi; iga wallooy Mujaahidad tahay ma naagta Sheekhii kaga oohisay ayaan Mujaahidad ahayn.

Ilaahay ha u naxariisto Mujaahidadii Zahra Axmed Iyo Sheekh Yuusuba,

Cali Maxamed yuusuf (cali guray)

 

COMMENTS
LINKS