Muj Cali Guray Oo Jawaab ka Bixiyay Eedo Culus Oo Gudoomiye Cirro Usoo Jeediyay Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Oo Jawaab ka Bixiyay Eedo Culus Oo Gudoomiye Cirro Usoo Jeediyay Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi,
April 19, 2018 - Written by Editor:

“Mucaarid  Xamar Laga Daaro Cabdiraxmaan Cirro Ayaa kow Inoo ah. Bal u fiirsada Marka Ay Somaliland  Iyo Somaliya  Tahay Dhinaca Uu la Soo Safto”Cali Guray

 HARGAYSA (W,N) Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (cali guray)  oo kamida saraakiish sare sare ee Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa jawaabo kala duwan ka bixiyay eedo culus oo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani usoo jeediyay xukuumada Madaxwayne Muuse biixi.

Muj Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ku baahiyay wuxu eedahaasi ka difaacay xukuumadihii kale danbeeyay ee kulmiye halka uu dhanka kale eedo culus ku ganay gudoomiye cirro

Qoraalka uu arimahaasi kaga hadlayo cali guray ayaa udhignaa sida;

“Inta Cirro wadwadaa waa intan Yussuf sheegay ee keeba run ah? Inta qodob ee Wasiirul Dawluhu ka hadlay wax cusubi kuma jiraan laakiin Cirro halkuu ku socdo daaya hore ha u gaadho eh. Nacasnimadu kuma fiicna libaaxa waayo kuma dhex qarsoomo dadka kalena way la yaaban yihiin WAA LIBAAX IYO WAA NACAS ee ma Cirro ayaa cid kale ah mise libaaxii baa noocan noqday?

Odaygii Silanyo markuu xilka hayay wasiiradii ugu awoodda badnaa miyaanay intii isaga ku xeernayd ahayn markii musharaxa Kulmiye uu ku guulaystay Muuse Biixi? Cirro isagu miyaanu kii ilaalin lahaa xukuumadda ee Guddoomiyaha Wakiiladdaba ahaa aanu ahayn? Maalin miyuu waxan uu sheegayo ka halay intii uu xilka hayay sawkii duuduub ku ansixiya lahaa ahayn? Imisa sanadood ayuu 800,000$ oo mushaharka dheeraad ku ahaa kii isagu jeebka gashanayay toban ugu yaraan shan sanadood ama lix isaga ahayn?

Hadda qasiriga buulka Muj. Xasan Ciise ku jiro loo ag qotomiyay ee maanta lagu hayaa isaga ahayn?

Somaliland gudaheeda weligeedba way is caaridays laakiin waxay ahaan jirtay gudaheeda ee mucaarid Xamar laga daaro Cabdiraxmaan Cirro ayaa kow inoo ah. Bal u fiirsada marka ay Somaliland iyo Somaliya tahay dhinaca uu la soo safto. Cid kasta oo Somaliland cadow u ah marka la isqabto isagu dhinaca qaladka ah ayuu la soo saftaa:

Imika khilaafka isaga iyo Xoghayahiisii Guud wuxu ka kacay Xukuumadda Muqdisho ayaad wax tidhi halka ay isla marayaanna waa la ogsoon yahay sharcigii xisbigiisa inuu ku tunto ayuu u badheedhay. Wuxu ku haystaa Sacad Muuse ayaad tahay Madaxwaynaha ayaa isku reer tihiin xilka nin reekayga ah baan u dhiibanayaaye adigu iga tag. Waxa kale oo ka mid ah dembiyada Xoghayaha Guud ee Waddani Muuse Biixi waxba kuma tidhaahdid hadii ay taasi run tahay waxa iyaduna run kale ah in Cirro isaguna aanu waxba ku odhan Farmaajo.

Hadaba Cirro saw in loo sheego maaha adigu soo raac ama ha soo raacin Berbera Farmaajo iyo Somaliya ma laha ee Muuse Biixi iyo Somaliland baa leh oo ka talinaya iyadoo adiga iyo Farmaajaba sanku idiin daloolo

WAJAALENEWS DESK

 

Muj Cali maxamed Yuusuf ( Cali guray)

COMMENTS
LINKS