|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaa Sabobay Xillka Qaadista Deg Dega Ah Ee Badhasaabka Gobolka Gabiley Ramaax ?FAALO
April 1, 2018 - Written by Editor:Ma La Odhan Karaa Waxaa Sabobtay Xillka Qaadista Badhasaabka G/Gabiley Maxamuud Cali Saleemaan Ramaax Dacwado Ay Ka Gudbiyeen Wadaadada Xukuma Degmada Tog Wajaale,Iyo Maayarka Gabiley?HARGAYSA(W,N) Muddo Laba bilood ka hor ah Ayay Ahayd Markuu Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi u soo Magacaabay Badhasaabka G/Gabiley Maxamuud Cali Saleemaan Ramaax Oo Maanta Madaxwaynuhu Xillkii ka Qaaday, Waxaase xusid mudan in ay guud Ahaan Shacabka G/Gabiley ay Aad u soo dhaweeyeen Magacaabista Madaxwayne Muuse Biixi u soo Magacaabay Badhasaabka G/Gabiley Maxamuud Saleemaan Ramaax. Masuulka loo soo magacaabay oo In badan ay kala Socdeen Warbaahinta laguna Yaqaanay Masuul Halladag oo Runn sheega. Sidoo kale Waxaa guud Ahaan Shacabka G/Gabiley farxad Galisay Weedhihii Ugu Horeeyay ee ka Soo yeedhay Badhasaabkii G/Gabiley Ramaax oo ay ka mid ahaayeen:-( Bulshada G/Gabiley Xaqa ay ku leedahay Dawlada dhexe ku Waayi Mayso Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Ayaad Isku Reer Tihiin ) (Aqbali Maayo in Miisaaniyada Gabiley la Yidhaahdo Waa 15,000,000,000 Shann iyo Toban Billyan ) ( Xeer Lr 14 Qodobadiisa 13 iyo 14 ayaa Awood ii siiyay In aan Miisaaniyada la socdo Oo saxo Haduu Qaladaad ku Jiro ) (Waxaan ka codsan doonaa Wasiirka Arimaha Guduha ii Soo Celiyo Miisaaniyad Sannadeedka 2018 ). Isagoo balan qaaday in uu u dooni doono waxkasta oo kaga Maqan Dawlada dhexe,Dadka Gobolka Gabiley u dhashay ee Arimaha maamulka sida joogtada ula socda ayaa ku Tilmaamay Magacaabista Madaxwayne Muuse Biixi u Magacaabay Badhasaabka G/Gabiley Maxamuud Saleemaan Ramaax,Waxqabadkii u horeeyay ee Madaxwaynuhu ugu Abaal celiyo Bulsho waynta Gobolka Gabiley ee 100 % u codka siisay markuu Murashaxa ahaa,Waxaase Iswaydiin Mudan:- Maxaa sabobay Xillka Qaadista Badhasaabka G/Gabiley Maxamuud Saleemaan Ramaax ? Ma jirtaa Labada Bilood uu Xillka hayay Qaladaad uu galay uu ku mutaystay Xillka Qaadis ? Ma khilaaf Maamull iyo Dacwado Qarsoon ayaa Gaadhay Madaxwayne Biixi Oo Galaaftay Masuulkan? Ma Wadaadadii Gudida Wajaale Xukunta Ahayd ayaa ku Dacwooday Madaxwayne Muuse Biixi ? Ma jirtaa khilaaf soo kala dhex Galay Badhsaab Ramaax Iyo Maayarada Gabiley Iyo Wajaale ? Su”aalahan iyo kuwo kale Waxay ka dhex guuxayaan Maskaxda Bulsho Waynta S/land . Xillka qaadista Badhasaabka G/Gabiley Maxamuud Saleemaan Ramaax Ee maanta Ayaa ah Sunnaha dawladeed Halow guud Ahaanna Shacabka G/Gabiley ay Aad uga xumaadeen. inkastoo Badhsaab Ramaax uga hadlay Xillka qaadistiisa si Afgobaadsi ah,Waxay warar lagu kalsoonyahay sheegayaan in Xillka ka qaadista Badhasaabka uu kaalin muuqata ka qaatay Maayarka Gabiley Amiin oo isagu kamid ahaa masuuliyiinta saska ka qaaday Qudbadii u horeesay ee Badhasaab Ramaax oo ah Masuul ku dhaqanka Sharciga ku adag Waayo Arag ah dhamaan xilalka Gudoomiye ka soo qabtay Gobolada Dalka S/land . Hadaba Tann iyo markii Maayarka Gabiley.Maxamed Amiin Cumar xillka hayay waxuu isbadal Wayni ku yimid Aayo ka talinta masiirka siyaasadeed ee Shacabka Gobolka Gabiley iyo Guud ahaan Siyaasiyiinta Xill doonka ah.iyadoo dadka xogogaalka u ah Siyaasadda Hogaamineed ee Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ay sheegayaan in Xillka qaadista deg dega ah ee Badhasaabka G/Gabiley Ramaax uu kaalin muuqata ku leeyahiin Maayarka Gabiley Oo kaashanaya xubno madaxwaynaha ka adhaw iyo koox wadaadada ah oo saamayn balaadhan ku leh Maamulka Degmada Tog Wajaale . Iskuna Magacaabay Gudiyo kala Duwan sida:- Gudida Wanaag farista iyo Xumaan Reebista,Gudida Horumarinta Degmada Wajaale,Gudida Ganacsatada ee Magaalo Ganacsiga Wajaale iyo Maamulka Ha”yada Rugta Ganacsiga Warshadaha.Tobankan Wadaad ee Afartaa Guddi isku magacaabay waxay Awood iyo saamayn balaadhan ku leeyihiin saaxadda maamulka Degmada Wajaale. Kooxda wadaadada ah ee Dagmada Wajaale ka talisa Ayay wararku Qaar sheegayaan in Xoog iyo Xeelado badan u Adeegsadeen Xillka ka qaadista Badhasaabka Gobolka Gabiley Ramaax. Koodan ayaa Badhasaab Ramaax ku colaysta Lacag Sharciga baalmarsan oy ka qaadi jireen Magaca Ha”yada Rugta Ganacsiga Warshadaha iyo Beeraha,iyagoo ka qaadi jiray Badeecadaha sifaha Sharciga ah uga gudba dalka Itoobiya oo uu ka joojiyay. Lacagahaasi oo gabi ahaanba aan ku jirin cashuurta ay qado dawladu, laguna qiyaasay in ay ka badnayd Cashuurta ay Dawlada Hoose ee Wajaale qaado, Waxaanay xogahani lagu kalsoonyahay intaa ku dareen in Kooxda wadaadada ahi ay dacwado badan u gudbiyeen Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyagoo u sii mariyay Wasiirada ay leeyihiin Xidhiidhka hoose ee wadaadnimo . Isku soo wada duuboo,waxaa taariikhda lagu xusi doonaa in uu Xillkiisa ku waayay Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamuud Saleemaan Ramaax maamull toosin iyo hankiisii ahaa in uu waxqabad lagu xasuusto ka qabto muddada xillka ka hayo Gobolka Gabiley . WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WAJAALE STAFF EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|