|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuulka Tirsan Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Hada Iscasilay Iyo Sobobta.
April 11, 2018 - Written by Editor:Hargaysa (W,N) Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka Ee Xukuumada somaliland Prof Cabdi Cali Jaamac oo Horena Agaasime Uga soo noqday Wasaarada Waxbarashada Ayaa sheegay in uu Gabi ahaanba Iska casilay Xilkii uu qaranka u hayay, Walow Aanu Sheegin Sobobta Keentay in uu iskaga Tago Xilkii Uu Qaranka U yahay Kaasi Oo Madaxwayne Muuse Biixi Uu kamid ahaa Agaasimayaashii Uu dib u Magacaabay; Qoraalka Uu ku Shaaciyay iscasilaadiisa Ayaa Wuxuu ku baahiyay Barta uu ku Leeyahay Xidhiidhka Bulshada Ee facebookga ,Wuxuuna Udhignaa Sidan; Is-casilaad. Maanta Oo Taariikhdu Tahay 11kii bishii April, 2018, Waxan iskaga Tegay xilkii Agaasimaha Guud Ee Aan Hayay. Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa Noqonaya Masuulkii labaad Ee Mudada kooban ee ay Jirtay Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Iscasila Iyadoo Ay hore xilkii uu umagaacabay madaxwayuhu ay ka cudur daaratay Khadra Xaaji Gadhy Si kastaba ha ahaatee waxaaybaha keenay iscasilaadan deg dega ah ee Agaasimaha guud Ayaan wali si rasmiya loo Ogayn Wixii kasoo kordha kala soco wajaalenews.net
Waad Mahadsan tihiin. Related posts:Daawo-Hooyo Haysata Ubad Agoon Ah Oo Madaxweynaha ugu Baaqday in Laga Qabto Xildhibaan Ku haysta Dhu... DAAWO;Guddida Qaban-qaabada Munaasibadda 18-Ka May Oo Farriin Dareen Xambaarsan Shacabka u Diray Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Axa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|