|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Gudida Qaban-qaabada Xuska 18 May
April 7, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Maanta wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/G/083-076/042018 ku Magacaabay Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Ku: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
Waxa foodda innagu soo haya Xuska Sannad Guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, taas oo inooga baahan qorshe iyo u diyaar-garow, maadaama Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, ay u dabaal-degayaan Xuska 18 May, isla markaana dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka.
Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil weyn iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.
ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Related posts:Dekedda Berbera Oo Kordhisay Cashuurihii Ay ka Qaadi Jirtay Alaabaha ka Soo Daga Iyo Dekedaha Jabuut... DAAWO: Gudoomiye kuxigeenka 1Aad Ee Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Saami-qaybsiga Kuraasta Gollaha Wa... DAWO;-Xisbiga Wadani Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Shacabka Faah Faahin Ka Siiyo Kulankii Uu ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|