|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socda Dalka Imaaraadka
April 22, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socda dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo ka kooban 12 xubnood.
Kulankan dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo weftiga, waxa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ku bogaadiyey weftiga imaantinkooda, isagoo uga mahadnaqay sida fiican ee wax ku oolka ah ee ay uga soo jawaabeen qaybihii ugu horreeyey ee ballan-qaadyada waqtigii madaxweynuhu safarka ku tegay dalka UAE, isaga oo si gaara ugu mahadnaqay fursadda ay siiyeen ogolaanshaha Baasaboorka Somaliland ee dal-ku-galka imaaraadka carabta, wuxuuna soo dhaweeyey fulinta qodobaddan muhiimka u ah qaranka Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Waxa uu weftiga u ballan-qaaday in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah, isla markaana uu xidhiidhkaasi noqdo mid midho dhal ah.
Related posts:Xukuumada JSL Oo Ka Hadashay Go,aankii Ay Soo Saareen Gudida Dhex Dhexaadintu,Sheegayna In Ay Sharci... Warar Dheeraad ah Oo Ka Soo Baxaya Deegaanka Galgala Oo Xalay Dagaal Culus Ku Dhex Maray Kooxda Alsh... Xaalada Cisbitaalka Magaalada Jigjiga oo Laga Dayrinayo iyo Koox Dhakhaatiir Ah oo Soo Gaadhay COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|