Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyeeyay Aasaaskii SNM Oo Maanta Ku Beegan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyeeyay Aasaaskii SNM Oo Maanta Ku Beegan
April 6, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland iyo guud ahaan aas-aasayaashii ururkii SNM ee dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM (Somali National Movement), oo lagaga dhawaaqay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, kana soo wareegtay sannad guuradii 37aad oo ku beegan maanta 06/04/2018 oo ujeedadiisu ahayd in dib loo soo celiyo xoriyadii Somaliland ee luntay 1960 kii ee midowgii Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa laba dal oo xuduud wadaaga oo dawladihii Ingiriiska iyo Talyaanigu xukumi jireen kana kala qaatay xoriyadoodii iyadoo himiladu ahayd helida 5tii Soomaaliyeed oo hal dawlad noqda taasina ay hog dheer ku dhacday ka dib markii Dalkii Somaliland midowgaa ka dheefay xasuuq naf iyo maalba leh, ururkii SNM oo ka duulaya dhibaatada la dheefsiiyay dadkii Somaliland ayaa dhaq-dhaqaaaq xoogan oo lagu xaqiijinayo xornimadii xiligaa luntay ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya bilaabay.

 

Halgan dheer iyo hawl adag ka dibna wuxu ururku ku guulaystay inuu hanto dalkii Somaliland, kana xoreeyey kacaankii macangega ahaa ee uu hoggaaminayey keligii taliye Maxamed Siyaad Barre (Af-weyne), maanta ay Somaliland tahay dal nabad taama ku naaloonaya isla markaana ay ka hanaqaaday geediga dimuqraadiyada oo doorashooyin xor iyo xalaal ah lagu xukumo iyadoo guud ahaan geyiga Somaliland maanta marayo marxalad muujinaysa sida uu isugu tashaday ee tala-wadaaga iyo isu tanaasulku uga tisqaaday, iyadoo Sannad guurada 37aad ee ururkii SNM oo ku beegan 06/04/2018 ay Somaliland u tahay mid ka mida taariikhaha qarankani ka taabagalay.

 

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu u ducaynayaa dhammaan intii dhimatay ee ka midka ahaa aas-aasayaasha ururkaasi iyo intii ku naf weyday halkankii dib u xoraynta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu madaxweynuhu hambalyo u dirayaa dhammaan intii naf iyo maalba la barbar taagnayd ururkaasi meel ay joogeenba.

COMMENTS
LINKS