Madaxwayne Muuse Biixi Oo Wareegto Ku Dhaqan Geliyay Miisaaniyad-sanadeedka 218 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Muuse Biixi Oo Wareegto Ku Dhaqan Geliyay Miisaaniyad-sanadeedka 218
April 12, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-078/42018 ku dhaqangeliyey, Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka.

 

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:

 

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka

 

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-36/789/2018, ee ku taariikheysan 09/04/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2018-ka;

 

Waxaan soo-saaray;

 

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa-bannaan, Dawladaha Hoose, Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo Mashruuca Maamul-daadejinta Dawladaha Hoose (JPLG).

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS
LINKS